Dagaal xooggan oo saaka Muqdisho ka socda iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii durgaya Suuqa Bakaaraha

Cabirka Farta

Axad, June 08, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalka oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu ka socdaa qeybo ka mid ah Degmada Wardhiigley, gaar ahaan Xaafadaha Geed Jaceyl, Maxamuud Xarbi iyo naawaxiga Shirkadda Isgaarsiinta NationLink.

Dagaalkan ayaa wuxuu qarxay kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay u durgeen Waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha oo Waqooyi iyo Koofur ka kala mara Suuqa Bakaaraha, iyadoo kadibna ay ka hor-yimaadeen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalka ayaa intii uu socday waxaa uu saameyn ku yeeshay Suuqa Bakaaraha oo in ka badan 10 Madfac oo hoobiyayaal ah lagu garaacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan nawaaxiga Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa.

Khasaaraha uu geystay dagaalkan ayaan ilaa iyo haatan la sheegi karin, inkastoo ay jiraan dad ku dhintay madaafiicda ku soo dhaceysa Suuqa Bakaaraha.

Meelaha ay madaafiicdaas ku dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Internet Café Cawaale lagu magacaabo, Dukaan Saacadaha iyo Ookiyaalayaasha lagu iibiyo oo lagu magacaabo Tokyo Watch iyo nawaaxiga Isgoyska Howl-Wadaag.

Dagaalka oo weli socda wixii ku soo kordha kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia