Jimco, June 06, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiyaanka ah ee fariisinka ku leh Xarumaha Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyla Bariise ayaa saaka waxaa weerar ku qaaday Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa marka la weerarayay waxay ku howlanaayeen qeybinta raashin mucaawino ah, kaasi oo ay siinayeen dad ka kala yimid degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir qaarkood.
Weerarkaas lagu qaaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaal xooggan oo labada dhinac dhexmaray, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay.
Dagaalkan saaka ka dhacay nawaaxiga Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyle Bariise ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gelinkii dambe uu dagaal xooggan ka dhacay inta u dhaxeysay Xarunta Warshaddii Baastada iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, dagaalkaasi oo mas’uuliyiin u hadlay Maxkamadaha Islaamka ay sheegteen in ay ka dambeeyeen.
Waxay ahayd markii seddexaad oo ay Ciidamada Itoobiya Raashin Mucaawino ah u qeybiyaan Dad ku nool Magaalada Muqdisho, waxayna horay Raashin uga qeybiyeen Xaafadaha u dhow Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo xaafado ka tirsan Degmada Dayniile.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia