Jimco, June 06, 2008(HOL): Meydadka labo nin oo dhalinyaro ah ayaa saaka lagu arkay Xaafadda Taleex iyo Qeybta Sarifka Suuqa Bakaaraha, iyadoo la sheegay in ay labadaas nin dileen rag hubeysan.
Labada nin ayaa la sheegay in goobta lagu dilay aysan deganeyn, isla markaana ay Kooxo hubeysan oo dilkooda ka dambeeay ay ka soo kaxeysteen xaafadahooda, kadibna ay ku dileen meelaha meydkooda lagu arkay.
Ninka lagu dilay qeybta Sarifka ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu yahay nin dhalinyaro ah, waxaana halkaasi geeyay isagoo gacmaha ka xiran afar nin oo hubeysan, kuwaasi oo halkaasi ku dilay.
Ninka kale ee lagu dilay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan oo da’ dhexaad ah ayaa waxay Kooxaha dilay ka soo kaxeysteen Xaafad ka tirsan Degmada Madiina ee Gobolka Banaadir.
Lama oga ilaa iyo haatan sababtii loo dilay labada nin iyo ciddii ka dambeysay dilkooda, wuxuuse dilkooda ku soo beegmayaa iyadoo habeen hore sidoo kale laga helay agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad Meydadka labo Nin, kuwaasi oo iyana la sheegay in inta laga soo kaxeystay xaafadahooda halkaas lagu dilay.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka, qaraxyada iyo iska hor-imaadyada, kuwaasi oo keenay in ay dad badan oo Soomaali ah ay u barakacaan Gobollada kale ee Dalka, halka ay jiraan Dad kale oo Dalka oo dhan isaga cararay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia