Sabti, June 21, 2008(HOL): Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Cali Shiriye ayaa xalay wuxuu geeriyooday Magaalada Burtinle ee Gobolka Mudug.
Xildhibaanka ayaa wuxuu u geeriyooday xanuunka Kaadi-macaanka, waxaana markii uu geeriyoonayay la qorsheynayay in daweyn loogu qaado Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxay tacsi u direen qoyskii, eheladdii iyo asxaabtii uu marxuumka ka geeriyooday.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudadii uu jiray waxaa ka geeriyooday Xildhibaano dhowr, kuwaasi oo ku kala geeriyooday Magaalooyinka Jowhar, Baydhabo ee Dalka Soomaaliya iyo Magaalada Nairobi ee Caasimadda u ah Dalka Kenya.
Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Cali Shiriye ayaa wuxuu ka tirsanaa Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka, wuxuuna ka mid ahaa Xildhibaannada ugu firfircoon ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia