Sabti, June 21, 2008(HOL): Bukaanno uu soo ritay Xanuunka Shuban Biyoodka ayaa waxay ku dan-dareysan yihiin Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Dadka uu soo ritay xanuunkan Shuban-biyoodka oo laga keenay Xeryaha Dadka soo barakacay ee ku yaala Muqdisho iyo duleedyadeeda ayaa waxay u badan yihiin Caruur iyo Haween, waxaana haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Banaadir.
Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir Maxamed Ciise Cabdi ayaa sheegay in Isbitaalka Banaadir maalin kasta la geeyo dad uu soo ritay Shuban-biyoodka, kuwaasi oo uu tiradooda ku qiyaasay 25 ilaa 40 ruux, wuxuuna sheegay in ay Dadkaas u sameeyaan fuuq-celin.
Agaasime ku xigeenka waxaa uu sheegay in maanta ay Isbitaalka Banaadir ku sugan yihiin 55 Ruux oo isugu jira, Caruur Haween iyo Dad waayeello ah, kuwaasi oo ay ku dadaalayaan sidii ay u daweyn lahaayeen.
Dhanka kalena, Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Banaadir waxaa uu sheegay in dawada iyo shidaalka Isbitaalka ay gabaabsi sii yihiin, wuxuuna hay’adaha Samafalka iyo dadka Soomaaliyeed ee wax heysta uu ugu baaqay in ay kaalmo deg deg ah la soo gaaraan.
Isbitaalka Banaadir ayaa marka laga soo tago daryeelka ay ka helaan hooyada iyo dhallaanka waxaa dhanka kale lagu daweeyaa dadka ku soo dhaawacma dagaallada iyo weliba qaraxyada, waxaana qeybtaas lagu kordhiyay kadib markii ay dagaallada Muqdisho ka socda ku xirmeen Isbitaallo badan oo Muqdisho ka howlgeli jiray.
Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir oo ay Adeegyo Caafimaad oo lacag la’aan ah ay ka helaan dad badan oo aan awoodin in ay tagaan goobaha Caafimad ee lacagta ah ayaa waxaa dib u howl-geliyay Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha ee Hina.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia