Jimco, June 20, 2008(HOL): Qaar ka mid ah Gaadiidka BL-ka ee isaga kala goosha gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa qiimaha lagu raaco wuxuu gaaray lacag ka badan 10 kun oo Shilin Soomaali ah.
Gaadiidka BL-ka ah ee Lacagtaas lagu raaco ayaa waxay yihiin kuwa ka taga Suuqa Bakaaraha ee aada Deegaanka Suuqa Xoolaha, waxayna sababtu tahay iyadoo ay wareeg dheer soo gelayaan, isla markaana ay mararka qaarkood isticmaalaan Waddooyin jid carri ah oo xaafadaha dhexdooda ah.
Gaadiidka BL-ka ah ee u kala goosha Bakaaraha iyo Suuqa Xoolaha ayaa waxay maraan Wadada Wadnaha, waxay ka leexdaan Isgoyska Sanca iyagoo u jiheysta dhinaca EX-Koontarool Balcad, inkastoo inta aysan gaarin EX-Koontarool Balcad ay ku leexdaan Waddooyin Xaafadaha dhexdooda mara, kuwaasi oo ay maristooda dhibaato ku qabaan.
Waxaa la is-weydiin karaa maxay tahay sababta ay Gaadiidkaas u soo gelayaan wareegga dheer, wax kale ma ahan waxaa xiran Waddooyinkii 30-ka iyo Warshadaha oo haatan noqday kuwo ay fariisimo ka dhigteen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo dadka iyo gaadiidka u diida in ay maraan Waddooyinkaas. Sidoo kalena qeybo ka mid ah Wadada Balcad ayaa waxay iyadana ka xiran tahay nawaaxiga Warshaddii Xeyla Bariise iyo Warshaddii Baastada, waxaana halkaas ku sugan Ciidamo Itoobiyaan ah.
Inkastoo Qiimo kororka ku yimid Gaadiidka BL-ka uu u gaar yahay Dadka Degan Degmada Huriwaa iyo qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid, hadana waxaa iyana cabasho bilaabay Dadka ku nool degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo qudhooda ay Gaadiidleyda BL-ka sare ugu qaadeen lacagta Gaadiidka BL-ka lagu raaco.
Tusaale ahaan Gaadiidka BL-ka ah ee isaga kala goosha Busteejoojinka Howl-wadaag iyo Sanca waxaa lagu raacaa lacag dhan 3 kun Shilin Soomaali ah, sidoo kale Gaadiidka isaga kala goosha Siinaay ilaa KM4 oo dhinaca Isgoyska Afarta Jardiino laga soo wareegayo waxaa lagu raacaa lacag dhan 5 Kun Shilin Soomaali ah.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, marka aad weydiiso Gaadiidleyda BL-ka sababta ay qiimaha sare ugu qaadeen waxay kuu sheegayaan in uu Shidaalkii ku qaali-garoobay, Waddooyinka ay isticmaalaanna ay sii burbureen kadib markii uu roob xoog leh ka da’ay magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay wareeg dheer soo galaan si ay u gaaraan Busteejooyinka ay ka shaqeeyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia