Ciidamo Itoobiyaan ah oo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan

Cabirka Farta
Jimco, June 20, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Gadiidka dagaalka ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa ay baneeyeen fariisinkoodii Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne iyaga oo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Buula-burte ee isla Gobalka Hiiraan.
 
Lama oga sababta keentay in Ciidamadu u ruqaansadaan Degmada Buula-burte oo ka mid ah goobaha ay gacanta ku hayaan mas'uuliyiinta Maxkamadaha waxaana warar soo baxa sheegaan in dadkii ku dhaqnaa deegaanada ku teedsan watada laamiga ah isaga ka baxeen iyaga oo ka cabsi qaba in dagaal uu dhaxmaro kooxaha kacdoonka iyo Ciidamada Itoobiya.
 
Deegaanka Gari-siyaani oo ay gaareen Ciidamada ayaa dad ku sugan waxaa ay u sheegeen HOL in meelaha qaar Ciidamadu ka sameeyeen baaritaano  la xiriira  haddii ay jiraan waxyaabaha qarxa oo horay halkaas loogu sii aasay, laakiin lama sheegin wax intaas dhaafsiisan oo ay Ciidamadu ku dhaqaaqayaan.
 
Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ee jooga Magaalada Beledweyne oo wax laga weydiiyay waxa ay kala socdaan socdaalka Ciidamada Itoobiya ee ku wajahan Degmada Buula-burte ma'aysan bixin faah faahin dheeraad ah iyaga oo ku gaabsaday in arimahaasi yihiin kuwo Malatari.
 
Degmada Buula-burte oo ah Degmada labaad ee ugu weyn Gobalka Hiiraan in muddo ah waxaa ka taliyay mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga, kadib markii dhowr jeer oo hore halkaa dagaal uu ku dhaxmaray Ciidamo ka tirsanaa Maamulkii hore ee Gobalka Hiiraan iyo kooxaha ka soo horjeeda oo wixii xilgaa ka danbeeyay la wareegay gacan ku heyta Degmada.
 
Horaantii Sanadkan ayeey aheyd markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid Degmada Buula-burte kuna soo jeeday Magaalada Beledweyne isku farasaareen kooxaha kacdoonka halka lagu magacaabo Nuur-fax waxaana xiligaa dagaalkaa ku geeriyooday Mas'uulkii ugu sareeyay Maxkamadaha ee Gobalka Hiiraan Aamin Barqadle Cabdule (Aamin Daacad) halka dhinaca Ciidamada Itoobiyana la sheegay in dagaalka uu ka soo gaaray qasaare aan si dhab ah tafaasiil looga bixin.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia