Isniin, June 02, 2008(HOL): Waxaa goor dhaweyd gaaray magaalada Djibouti ee dalka Jibouti Xubnihii ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaasi oo qorshaha ay halkaas u tageen uu yahay in ay kulamo la qaataan dhinacyada Soomaalida.
Xubnahan ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo la dejiyay Hotelka Kempiski ee Magaalada Djibouti ayaa waxay muddo labo saacadood ah la kulmayaan ergooyinka Dowladda Federaalka oo uu u hadli doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, halka ay sidoo kalena muddo labo saacadood ah la kulmi doonaan Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta oo uu u hadli doono Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Xubnahan ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo muddo labo maalmood ah joogi doona Dalka Jibouti ayaa waxay maalinta berri ah la kulmi doonaan Ergo ka socota Bulshada Raydika Soomaaliyeed oo Jibouti ku sugan, waxayna sidoo kale kala hadli doonaan xaaladda Dalka Soomaaliya iyo sida xal lagu gaari karo.
Wakiilka Dalka Koofur Afrika u jooga Qaramada Midoobay Danjire Dumisani Kumalo ayaa sheegay in dhinacyada ku shirsan Dalka Jibouti looga baahan yahay in aysan iska lumin fursadda ay heystaan, “Soomaalida waxay u tahay fursad weyn, mana ahan in ay fursaddaas iska lumiyaan, waayo waa markii ugu horeysay oo iyagoo meel ku kulansan ay u yimaadaan Xubno ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay”ayuu yiri Danjire Kulamo oo carrabka ku dhejiyay in haddii ay Soomaalida iska lumiyaan fursadda ay heystaan aysan mar dambe soo mari doonin.
Wafdiga ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa dalka Jibouti uga bilaabanaya socdaal 10 maalmood qaadan doona oo ay ku marayaan dalal dhowr ah oo Afrika ku yaala, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Suudaan, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo, Chad iyo Ivory Coast.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia