Isniin, June 02, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da ayaa wuxuu sheegay in dhinacyada ay wada hadallada ugu qabteen Dalka Jibouti ee isku haya Siyaasadda Soomaaliya ay ku qasban yihiin in ay yeeshaan kulamo fool-ka-fool ah yeeshaan.
Dajire Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in dhinacyada Soomaalida looga baahan yahay in ay isu tanaasulaan, isla markaana xal ka gaaraan colaadda u dhaxeysa, isagoo carrabka ku dhuftay in Beesha Caalamka ay diyaar u tahay in ay meel mariso wixii ay ku heshiiyaan.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo uu hadlay wuxuu ugu baaqay dhinacyada Soomaalida in ay meel iska dhigaan khilaafaadyada u dhaxeeya, isla markaana ay u daneeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Danjire Ould-Abdallah ayaa wuxuu rajo ka muujiyay wada hadallada ka socda Dalka Jibouti, wuxuuna sheegay in ay jirto fursad ay Beesha Caalamka siineyso dhinacyada isku haya Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Rajada wada hadallada Jibouti ayaa ilaa iyo haatan la soo sheegayaa in ay wanaagsan tahay, inkastoo aan la sii saadaalin karin waxa ay wada hadalladaas ku dhamaanayaan guul iyo guul-darro.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia