Aabaha Guddoomiyaha Degmada Huriwaa oo codsaday in wiilkiisa looga soo daayo Ciidamo Itoobiyaan ah oo uu u xiran yahay muddo labo todobaad ah

Cabirka Farta

Isniin, June 16, 2008(HOL: Cabdulle Axmed Dhiblaawe oo ah Aabaha Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Axmed Cabdulle ayaa wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday in wiilkiisa looga soo daayo Ciidamo Itoobiyaan ah oo uu muddo 2 todobaad ka badan u xiran yahay.

Cabdulle Axmed Dhiblaawe oo maanta warfidiyeennada ugu waramayay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in Sarkaalka heysta Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada uu wiilkiisa xoriyaddii ka qaaday, isla markaana uu ugu xiran yahay Xaruntaas.

“Arrintaas waxaan kala xiriiray mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir oo aan ka codsaday in ay gacan ka geystaan sidii wiilkeyga la iigu soo deyn lahaa, laakin waxaa ii muuqata in cid kasta ay howsheeda iska wadato, isla markaana aanan codsigeyga laga jawaabeynin”ayuu yiri Cabdulle Axmed Dhiblaawe oo intaas ku daray in ay sharci darro tahay in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay xirtaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdulle Axmed Dhiblaawe oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in aan ilaa iyo haatan la soo gaarsiinin wax xad-gudub kale ah oo ay wiilkiisa u geysteen Ciidamada Itoobiya, “ma wanaagsana in bani’aadannimada la xumeeyo ilaa iyo haatanna ima soo gaarin in wax wax gudub ah lagu sameeyay wiilkeyga, kaliya waxaa ka maqan xoriyaddiisa”ayuu yiri Cabdulle Axmed Dhiblaawe.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Cabdulle Axmed (Cumar Jacfaan) ayaa mar sii horeysay oo uu saxaafadda la hadlay waxaa uu sheegay in Degmada uu guddoomiyaha ka yahay ay ka go’day Gobolka Banaadir intiisa kale, isla markaana uusan hoos-tegin maamulka Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in uu go’aankaas qaatay kadib markii uu wax wada shaqeyn ah ka waayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia