Shiikh Axmed Gaballe oo Muqdisho ku geeriyooday

Cabirka Farta

Isniin, June 16, 2008(HOL: Alle ha u naxariistee waxaa saaka aroortii ku geeriyooday Isbitaalka Keysaney ee duleedka Magaalada Muqdisho Shiikh Axmed Gaballe oo ka mid ahaa Culumaa’udiinka sida weyn looga ixtiraamo Dalka Soomaaliya.

Sida noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Howl-wadeennada Isbitaalka Keysaney Shiikha oo dhawaanahan xanuunsanayay ayaa waxaa loo geeyay Isbitaalka in lagu daweeyo, balse saaka aroortii ayuu geeriyooday.

Sida ay sheegeen Ehellada Shiikha waxaa meydkiisa lagu aasi doonaa Deegaan ka tirsan Afarta Tuulo ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo horay loogu aasay Aabihiis.

Dad aad u fara badan oo isugu jira Ehellada Shiikha, Xirtiisa iyo weliba Culumaa’udiin kale ayaa waxay isugu tageen Isbitaalka Keysaney, si ay wax uga raacaan Meydka Shiikha.

Alle ha u naxariistee Shiikh Axmed ayaa muddooyinkan wuxuu deganaa Deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku booqan jireen Dad xurmo u haya oo bulshada qeybaheeda kala duwan ka socda.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia