Axad, June 15, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ka da’ayay roob xooggan, kaasi oo marka laga soo tago in ay dadka ku qabowsadeen dhanka kale khasaare geystay.
Xero Qaxooti oo ku taala Xaafadda Wajeer ee Degmada Kaaraan ayaa waxaa ku geeriyooday canug 13 sano jir ah 3 ruux oo kale oo qoyskiisa ka tirsanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu ku soo dumay derbi ku wareegsanaan xerada ay deganaayeen, kaasi oo ka dul-dhacay Aqal cooshado ka sameysan oo ay qosykaas ka dhisteen meel u dhow derbiga.
Mid ka mid ah Dadka qaxootiga ah ee Xeradaas degan ayaa sheegay in derbigaas uu ka dul-dhacay 21 aqal, inkastoo uu sheegay in qosysaskii aqalladaas ku noolaa ay horay ugu barakaceen Deegaanka Ceelasha Biyaha.
Dad ku nool Xaafadda Afisyooni ee Degmada Waaberi ayaa iyanu waxaa saameyn ku yeeshay roobkii 48-ka saacadood ka da’ayay magaalada Muqdisho, waxayna dadkaas ka carareen guryahooda kadib markii ay daadad ugu soo galeen.
Sidoo kalena Xero Qaxooti oo Kulmis lagu magacaabo, isla markaana ku taala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ku geeriyooday labo caruur ah, kadib markii ay biyo qaadeen, wuxuuna Shire Axmed Socdaal oo ka mid ah Dadka Xeradaas ku dhaqan uu sheegay in ay sidoo kalena xaaladdooda aad u liidato caruur kale oo iyana uu roobka waxyeello u geystay.
Roobabka ka da’aya Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda ayaa waxay saameynta ugu ba’an ku yeesheen Dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee haatan ku nool inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo roobka ka hor ay la kufaa-kacayay xaalado raashin la’aan iyo caafimad darro ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia