Sabti, 14 June 2008 (HOL): Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shaaca ka qaaday mawqifkiisa ku aaddan dagaallada Jabuuti iyo Ereteriya, maalin uun ka dib markii uu Xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee Kulmiye hore u shaaciyay mawqifkiisa. Kaas oo dawladda Ereteriya ugu baaqay inay joojiso wax ay ugu yeedheen Weerar iyo Dagaal gardarro ah.
“Dagaalka Eratariya ku soo qaaday Jabuuti waanu cambaaraynaynaa, reer Jabuuti baanu garab taaganahay, waxaanu u arkaynaa inay tahay gardaro cad oo lagu soo weeraray dalkoodii. Jabuuti kaalintaynu ka filaynay Somaliland ahaan kama hayno, taas oo ahayd inay isku keen garab-taagaan Qadiyaddeena, balse tan maanta way ka duwan tahay oo dal aynu daris nahay, walaalo nahay oo la soo gardaraystay weeye. Markaa taa iyada ah waanu ku garab-taaganahay inay iska difaacaan wixii gar-daro ah ee kaga yimaadda dhinaca Eretariya.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), oo ka hadlay mawqifka Xisbigooda eek u wajahan dirirta cusub ee Ereteriya iyo Jabuuti, maalin ka dib markii uu Xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee Kulmiye ugu baaqay Dawladda Ereteriya inay joojiso Dagaalka ay ku soo qaadday Jabuuti.
Guddoomiye xigeenka Xisbiga UCID Md. Waqaf oo u waramayay Wargeyska Ogaal, ayaa isaga oo arrintaa ka sii hadlaya, wuxuu intaa raaciyay, “Wallaahi, Eratariya waxaan u arkaa inay tahay dal Geeska Afrika ka mid ah, dad wallaalo ah oo daris ahna waa la wada yahay, balse waxaad moodaa maamulka halkaa ka jiraa inuu yahay maamul had iyo jeer doonaya inuu cudud wax ku raadiyo. Laakiin, waxa ka wanaagsan in Miiska wada-hadalka la isugu yimaado, la wada-hadlo, waxa la isku hayana si salmi ah (nabad ah) lagu dhameeyo oo aan xabbad iyo Qori caaradii wax lagu dhamayn. Ta aanu Eratariya ka rajaynayno ee aanu ka filaynaana waataa. Taasaana derisnimada Geeska Afrika iyo dhamaan Mandaqaduba ay ku noqonaysaa nabadgalyo.
Guddoomiye-xigeenka Xisbiga Ucid Md. Waqaf, wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “Laakiin, mawqif ahaan dhinaca siyaasadda Jabuuti, Somaliland halka ay ka taagan tahay waynu ognahay. Markaa taana waxaanu leenahay dad wallaalo ah ayaynu nahay Madax iyo Shicibba, waxaanu ka codsanaynaa Jabuuti inay gartaan danta Somaliland inay tahay wax iyagana u soo kordhaysa oo ah tii walaalnimada ahayd ee la isku lahaa iyo tii hiilka ahayd ee ay hore Somaliland shacabkeedu ugu gaysteen mid la mid ah, inay maanta iyaguna inoo gaystaan ayaa laga filayay.”
Mawqifka Xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland ee ku wajahan dhinaca Jabuuti waxa loo arkaa mid isbed-bedela oo aan meel taagnayn. Isla markaana Guddoomiyaha Xisbiga UCID dhawaan mar uu dadka reer Borama la hadlayay Xuskii 18 May, wuxuu ku xusay khudbaddiisa inay Jabuuti ka mid tahay meelaha ku farxa Khilaafaadka Somaliland, taas oo sababtay inay ka jawaabaan aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin kale oo reer Somaliland ah, kuwaas oo raaligelin ka bixiyay hadalkaa. Sidaa daraadeed, mar Wargeyska Ogaal guddoomiye xigeenka wax ka waydiiyay isbedbeddalka noocaas ah, wuxuu ku jawaabay. “Wallaahi horta, markaad Xisbi ka hadlayso iyo fikirka Siyaasiga ah ee Shaqsiga ahi waa kala jaad. Anagu Xisbi ahaan mar walba waxaanu leenahay kaalintii Jabuuti aanu ka sugaynay Somaliland ahaan kama hayno. Balse waa dad aanu wallaalo nahay, kana sugayno is-faham iyo in caqligu shaqeeyo, gartaana qadiyada Somaliland waxa ay tahay.”
Inkasta oo guddoomiye-xigeenka Xisbiga Ucid sidaa ku dooday, haddana Xisbigiisu talada ma hayo. Isla markaana Xukuumadda Somaliland ee Xisbiga UDUB marna lagama hayo weedh la mid ah taas. Mar aanu arrintaas wax ka waydiiyay Wargeysku Guddoomiye-xigeenkana wuxuu ku jawaabay, “ Waxaan ku idhi anigu fikirkayga ayaan ka hadlayaa iyo ka Xisbi ahaan, oo kaalintaanu ka sugaynay Jabuuti kama hayno. Anigu ma garanayo iyaga iyo Xukuumadda wax hoos ahaan uga dhexeeya oo anigu taa ma sheegi karo. Laakiin, ta aan sheegayaa ee aan ka hadlayaa waa waxa cad ee daahirka ah iyo in aanay Jabuuti qadiyadda Somaliland taageerin. Laakiin Shicib ahaan, labada Shicib ee Jabuuti iyo Somalind xidhiidh baa ka dhexeeya, soo jireen ahaa, oo xaga ganacsiga iyo is-qaddarintaba ah. Laakiin waxaan anigu ka hadlayaa xukuumad ahaan, mawqifka shacbiga iyo ka Xukuumadduna way kala duwan yihiin.”
Haddaba, maxaa ka mid ah waxyaabaha uu guddomiye ku-xigeenku sheegay inay Somaliland ka sugayso Jabuuti ee ay ka wayday? Guddoomiye xigeenka oo su’aashaas ka jawaabayaa wuxuu yidhi, “Somaliland gooni isutaageedu waa rabitaan dadweyneheeda ka yimi, maadaama uu Shacbigeeda ka yimi laba shacbi oo wallaalo ahna la yahay, in lagu qadariyo oo lagu qiimeeyo weeyaan qaddiyadooda iyo gooni-isutaagooda, taanu Jabuuti ka filaynay in aanu hiil kaga helaana, taas weeye.”
Marka laga hadlayo qaddiyadaha noocan oo kale ah, cid kastaaba waxay guusha qaddiyaddeeda ay ka gaadhaa ku xidhan tahay, hadba siday uga iibiso cidda kale ee ay doonayso inay wax ka tarto. Sidaa aawadeed, waxay isweydiintu noqonaysaa, Somaliland siday qaddiyaddeeeda uga iibisay Jabuuti ma tahay mid ay ku kasban karto oo ay kaga heli karto waxay uga baahan tahay, mise, khaladku dhinacan ayuu ka jiraa? Su’aal arrintaa la xidhiidha oo Guddoomiye xigeenka UCID, waxa uu kaga jawaabay, “Horta, cid ayaa inoogu xilsaaran xagga iibinta qaddiyadda Somaliland, oo waa xukuumadda maanta jirta. Iyadaana laga rabay ama mid shishe ha ahaato ama mid soke’e, inay ka dhaadhiciso. Laakiin, anagu waxaanu leenahay Jabuuti kaalintii Ictiraafka amaba is bar-bar taagga qadiyada Somaliland ee aanu ka filaynay kama hayno. Balse, si gaar ah Xukuumadda Somaliland ayaa ugu igman iibinta qaddiyadda Somaliland, kolbana waxay inoo sheegto ayuun baynu wax ka odhan karraa.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland