Arbaco, July 09, 2008(HOL): Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muxyaddiin Maxamed Xaaji ayaa maanta wuxuu hor-tegay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna khudbad u jeediyay Mudanayaasha Baarlamaanka.
Wasiirka waxaa uu ka jawaabay su’aalo ay Mudanayaasha Baarlamaanka weydiiyeen, kuwaasi oo ku saabsanaa Ammaanka Dalka Soomaaliya iyo waxa ay Wasaaraddiisa ka qabatay.
Wasiirka oo su’aalaha amniga ku saabsan ka jawaabayay waxaa uu sheegay in amni darrada dalka ka jirta ay sabab u tahay dhaqaale la’aan la soo deristay Ciidamada, wuxuuna si cad u sheegay in muddo 7 bilood ah oo uu hayo xilka Wasaaradda Gaashaandhigga aanu helin miisaaniyadda Wasaaradda.
“Askari aanan mushaar iyo gunno heysan oo aan daryeel caafimaad heysan, waxay ila tahay in uusan amni sugi karin, taasina cid walba ayaa og”ayuu yiri Muxyaddiin Maxamed Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay intii karaankooda ah dadaaleen, isla markaana ay xitaa Ciidamo tababar u direen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in maalmaha soo socda ay Ciidamo gaaraya 2000 Askari oo gudaha Itoobiya lagu soo tababaray ay ku soo wajahan yihiin Gobolka Bay.
“Ciidamadaas haddii loo helo mushaar waa ku filan yihiin Gobollada ay xasaradaha ka jiraan ee dalka Soomaaliya, dhawaanna waa ay howlgeli doonaan Ciidamadaas”ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu Baarlamaanka hor-tegay kadib markii ay qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ay codsadeen inay Wasiirrada Gaashaandigga iyo Arrimaha Gudaha ay hor-tagaan Baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo Arrimo la xiriira Ammaanka Dalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia