Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda oo dhaawacay Taliye ku xigeenka Saldhigga Booliska Degmada Xamar Jajab

Cabirka Farta

Arbaco, July 09, 2008(HOL):  Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa maanta waxay dhaawaceen Taliye ku xigeenka Saldhigga Booliska Degmada Xamar Jajab, kaasi oo marayay nawaaxiga Saldhigga Bari ee Degmada Cabdul Casiis.

Xaaska Taliye ku xigeenka oo lagu magacaabo Ubax Cabdi Maxamed ayaa sheegtay in ay Ninkeeda oo shaqadiisa ku jeeday ay jidka u galeen Seddex nin oo ku labisan Dharka Ciidamada, kadibna ay seddex xabadood ku dhufteen.

“Ninkeyga waxaa la yiraahdaa Nuux Maxamed Raage waa Taliye ku xigeenka Saldhigga Booliska Degmada Xamar Jajab, markii uu iga soo tegay ayaa waxaa wadada u galay seddex nin oo labo ka mid ah ay ku labisnaayeen Dharka Tuutaha, mid kalena uu qabay dharka Cagaaran, waxayna ku dhufteen seddex xabadood, iyagoo ka qaatay Qori iyo Mobile uu watay”ayay tiri Ubax Cabdi Maxamed.

Ubax waxay sheegtay in Seddexda nin ee Ninkeeda dhaawacday ay sidoo kale dhaawaceen Haweeney kadib markii iyada iyo nin la socday ay ka qaateen Taleefoonno gacan-qaad ah (mobiles) oo ay wateen.

Dhawaanahan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay Falal dhac  iyo waxyeeleyn kale ah oo ay geysanayaan Rag ku labisan dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la kala ogeyn in ay yihiin Ciidamo sax ah iyo in ay yihiin Rag iska soo qaatay labiska Ciidamada Dowladda.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya C/llaahi Xasan Bariise oo wax laga weydiiyay ragga qaba labiska Ciidamada Dowladda ee hadana wax dhacaya ayaa wuxuu sheegay in ay arrintaas baaris ku hayaan, dhawaanna ay war cad ka soo saari doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia