Ciidamada Itoobiya oo soo gaaray Duleedka Janta-kuundisho kadib dagaal muddo kooban ay la galeen xoogagga Makamadaha

Khamiis, July 03, 2008(HOL):  Ciidamadii Itoobiya ee labadii maalmood ee la soo dhaafay dagaalada kula jiray Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ee gobalada dhexe ayaa goor dhaw ugu danbeytii soo gaaray deegaanka Jante-kuudhisho ee duleedka Magaalada Beledweyne kadib dagaal mudo kooban socday oo ay la galeen Ciidamada Makamadaha Islaamiga ee dhawaan la wareegay gacan ku heyta Magaalada Beledweyne.

Sida ay u xaqiijiyeen HOL dad goob joog ah  waxaa la arkayay Ciidamada oo isku kala qeybiyay deegaanka Jante-kuundisho  iyo dhinaca Garoonka diyaaradaha Magaalada Beledweyne oo aysan saakay soo gaca dhigan diyaaradii Khaadka ka keeni jirtay dalka Kenya, waxeyna ka hor inta aysan soo gaarin Xerada Jante-kuudisho Ciidamadu adeegsadeen Madaafiic culus oo bartilmaameedkoodu ahaa dhulka buuraha ah ee ku teedsan duleedka Jate-kuudisho.

Lama oga ilaa hada halka ay ku danbeeyeen Xoogaggii Maxkamadaha ee saakay dagaalka la galay Ciidamada Itoobiya, lakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in gadiidka dagaalka Maxkamadaha la arkayay iyaga oo  ka sii gudbaya Jante-kuudisho ku sii jeeda dhinaca watada gasha deegaanka Halgan.

Inkastoo Ciidamada Itoobiyaanku soo gaareen Xerada Jate-kuudisho ayaa la ogeyn in ay halkaa ku sii hakan doonaan ama uga sii gudbi doonaan meelo kale, waxaana jira wali cabsi dadku ka qabo wax ka dhalan kara Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee duleedka Magaalada Beledweyne maadama Xoogaga Maxkamaduhu sheegeen in mar walba ay weerari doonaan Ciidamada Itoobiya xitaa hadii ay soo galaan gudaha shacabka.

Iska hor'imaadka saakay dhaxmaray labada dhinaca ayaan ilaa hada la ogeyn khasaaraha ka dhashay waxaana wararku ay sheegayaan in inta badan Ciidamada Itoobiyaaku weerarkooda la beegsanayeen dhulka sare ee buuraha ah oo inta badan gabaadka u ah Ciidamada Maxkamadaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia