Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Puntland oo ka hadlay arrimaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool

Khamiis, July 03, 2008(HOL): Madaxwaynaha Dawlad Goboleddka Puntland General Maxamuud Muuse Xirsi Cade oo shir jaraa,id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Gorowe ayaa kaga warbixiyay arimo badan oo khuseeya dhanka Maamulkiisa.

Shirkaan jaraa,id ee uu madaxwaynaha Puntland ku qabttay Magalada gorowe waxaa uu kaga hadlay arimaha Magaalada Laascaano ee xarutna Gobolka Sool ,oo ay iminka Gacanta ay ku hayaan Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland,iyadoo shirka ay ka qayb galeen qaar ka tirsan Golaha Xukuumada Puntland.

Madaxwayne Cadde Muuse ayaa maalin ka hor sheegay in Maamulka Puntland ay ka go,antahay sidii ay gacantooda ugu soo celin lahaayeeen Magaalada laascaano oo in iminka looga arimiyo Madaxtooyada Hargaysa ee Somalialand.

Shirka jaraa,id ee Cadde Muuse habeenimadii xalay ahayd ku qabtay Magaalada Gorowe ayaa lagu waday in uu qabsoomoo Maanta oo Khamiis sida caadada ahayd , waxaana khamiis kasta kulan isugu yimaada golaha Wasiirada Dawlad Goboleedka Puntland si looga doodo qodobo u baahan in laga doodo.

Sidoo kale Shirkaasi jar,aaid waxa uu madaxwaynaha kaga hadlay dastuurka qayb yada ah ee puntland sidii loo sii dhamaystiro xiliyada soo socda.

Waxaa uu shirkaan ku soo beegmaysaa ,iyadoo baryihii u danbaysay ay ka socnayeen Magaalada Gorowe kulamo looga arinsanyo dhanka amaanka Puntland.

Maamulada Puntland iyo Somaliland xiisada dhuleed ee ka dhaxaysa ayaa noqotay mid baryihii u danbaysay soo laba kaclaynaysay waxaana murankooda uu salka ku hayaa Magaalada laascaano oo ay Somaliland gacanta ku hayso.

Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia