Khamiis, July 24, 2008(HOL): Xaaladda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa saaka waxay tahay mid kacsan, iyadoo magaalada ay gudaha u soo galeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Xerada Janta Kuundisho ee ku taala Bariga magaalada.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii ay gudaha u soo galeen magaalada Beledweyne waxay bilaabeen in ay Galbeedka magaalada Madaafiic ku garaacaan, waxaana la sheegayaa in ay madaafiicdaas geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaana inta la xaqiijiyay nawaaxiga Buundada Liiq-liiqato ku geeriyooday 7 Ruux oo dhamaantood rayid ahaa.
Wariyaheena Magaalada Beledweyne C/raxmaan Diini ayaa wuxuu soo sheegayaa in Ciidmada Itoobiyaanku ay magaalada ku garaacayaan madaafiic isugu jira BM iyo hoobiyayaal, kuwaasi oo ay ka soo tuurayaan Buurta Janta Kuundisho.
Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa qaarkood waxay bilaabeen in ay guryahooda ka cararaan si ay uga badbaadaan khasaare ka soo gaara madaafiicda ay Ciidamada Itoobiyaanka ku garaacayaan Xaafadaha dhanka Galbeed kaga yaala Magaalada Beledweyne.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Beledweyne-na waxay sheegayaan in galbeedka magaalada uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda
Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa waxay gudaha u soo galeen magaalada Beledweyne kadib markii gudaha Magaalada Beledweyne lagu daadiyay Waqrado loogu digayo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo looga digayay in ay joojiyaan wada hadallo ay la wadeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xerada Janta-Kuundisho.
Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia