Khamiis, July 24, 2008(HOL): Isbitaalka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa xalay waxaa la geeyay dad ku soo dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay Jaziiradda Kudhaa ee isla Gobolkaas.
Dadka dhaawaca soo gaaray oo tiradooda lagu sheegay shan ruux ayaa labo ka mid ah waxay dhaawacyo ka qabaan Feeraha sida uu sheegay Dr. Cali Xasan oo ka mid ah Dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Magaalada Kismaayo.
Dhanka kalena Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Jaziiradda Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in gacan ku heynta Jaziiraddaas ay la wareegeen Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, iyadoo maamul horay halkaas uga talinayayna uu meesha isaga baxay.
Dhowr jeer oo hore ayay ahayd markii ay gacan ku heynta Jaziiraddaas ku dagaallameen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo Maleeshiyooyin deegaanka ah oo iyagu ka talinayay Jaziiraddaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia