Jimco, July 11, 2008(HOL): Laba qof ayaa dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii uu nin hubaysani Rasaas ku furay meel Makhaayad Shaaha laga cabbo ah Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
Ninkan falka geystay oo ku hubaysnaa Qori AK47 ah, ayaa sida uu Saxaafadda u sheegay Taliyaha Booliska ee Gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale, waxa falkan uu geystay u dhintay Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Yuusuf Maxamed oo ahaa Dembi-baadhaha Saldhigga Xaafadda Faarax Oomaar ee Magaalada Burco iyo Marxuum Cabdiqani Cabdilaahi Yuusuf. Halka uu dhaawac soo gaadhay Jaamac Cali Ibraahim iyo Maxamed Axmed oo hadda lagu dawaynayo Cusbatalka guud ee Magaalada Burco.
Ninka falka ku kacay, ayaa uu taliyaha Booliska Togdheer sheegay inay Ciidamada Boolisku gacanta ku dhigeen, isla markaana uu ku xidhan yahay Saldhigga dhexe ee Burco. Ilaa hadda lama oga sababta keentay in ninkani falka noocan ah ku kaco, hase ahaatee laanta dembi-baadhista ayaa la sheegay inay ku hawllan tahay baadhista arrintan.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland