| Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska-Khadiijo Maxamed Diiriye |
Khadiijo Maxamed Diiriye waxay sheegtay in ay sharci tahay in Xukuumadda lagula xisaabtamo wixii ay qabatay iyo wixii ay qaban weysay balse waxay ka soo horjeesatay in meel cidlo ah laga eedeeyo iyadoo ay Xukuumadda howsheeda gudaneyso, isla markaana ay haatan ku howlan tahay dib u heshisiin la doonayo in dalka Soomaaliya lagu xasiliyo.
Khadiijo Maxamed Diiriye waxay sheegtay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay yihiin kuwo iskala booda mooshin-nno ka dhan ah Xukuumadaha markaas jira, waxayna tusaale u soo qaadatay in Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Geeddi markii ugu dambeeyay laga geeyay labo mooshin oo kala ah in lala xisaabtamo iyo in codka kalsoonida loo qaado, ugu dambeyntiina ay Xildhibaannada isku raaceen in cod loo qaado, halkii lagala xisaabtami lahaa.
“Hadda haddii ay Xildhibaanada Baarlamaanka doonayaan in ay la xisaabtamaan Xukuumadda cusub waxba kuma jabna oo waaba sharci, laakin waxaa Xildhibaannada looga baahan yahay in ay si xilkasnimo ah u wajahaan marka ay doonayaan in ay Xukuumadda la xisaabtamaan”ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Hadalka Wasiiradda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay Xukuumadda Federaalka ku eedeeyeen waxqabad la’aan ku aadan dhinac ammaanka iyo weliba maareyn la’aan ku aadan dhaqaalaha Dowladda soo gala.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia