Axad, January 06, 2008(HOL): Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay dhaliileen Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), iyagoo sheegay in aysan xukuumaddan ahayn mid wax ka qaban karta dhibaatada ka jirta Soomaaliya.
Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo Xildhibaannada dhaliisha soo jeediyay ka mid ah ayaa sheegay in aysan Xukuumaddan ahayn mid wax ka qaban karta dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaan sida uu u yiri dagaallada ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna intaas ku sii daray in Xukuuumaddan aysan waxba ka duwaneyn Xukuumaddii hore.
Xildhibaan Mowliid oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in sidoo kalena Xukuumaddan ay ku dhisan tahay sed-bursi, isagoo carrabka ku dhuftay in aan Beelaha Soomaaliyeed loogu qeybin nidaamka 4.5 ee salka u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kalena, Xildhibaan Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa isna wuxuu sheegay in Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde aysan ahayn mid tayo leh, wuxuuna caddeeyay in marka la hor-geeyo Baarlamaanka aysan codka kalsoonida heli doonin.
Waxaa jira Xildhibaanno kale oo ku jira Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Maxamed Cusmaan Maye, Caasho Axmed Cabdalla, Shiikh Jaamac Xaaji Xuseen iyo Xildhibaan Kula-lihi, kuwaasi oo horay u sheegay in haddii aan la soo dhisin Xukuumad aan qaab cadaalad ah loo soo xulin xubnaheeda aysan Baarlamaanka ka gudbi doonin.
Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ka kooban 18 Wasiir iyo 5 Wasiir ku xigeen ayaa waxaa ka harsan oo aan weli la soo magacaabin seddex Wasaaradood, kuwaasi oo aan la ogeyn cidda la siin doono, walow ay Wasiirradaas yihiin kuwo meel dhexaad ah oo aan ahayn kuwa ay aadka u jecel yihiin Beelaha Soomaaliyeed ee lagu tilmaamo heerka koowaad, sida Gaashaandhigga, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la dhowrayaa sida uu ka yeelo Xukuumadda tirada yar ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo ay xusid mudan tahay in haddii uu Baarlamaanka diido ay qasab noqoneyso in uu Ra’iisal Wasaaraha dib u soo dhiso Xukuumad kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia