Kooxo hubeysan oo xalay weerara ku qaaday Saldhigyada Booliska Hodan iyo Waaberi ee Magaalada Muqdisho

Axad, January 06, 2008(HOL): Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigyada Booliska Hodan iyo Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ay kooxaha hubeysan ku qaadeen labadaas Saldhig oo dhacay waqti isu dhow oo ku beegnaa abaara 11-kii habeennimo ee xalay ayaa la sheegay in ay labada dhinac isugu adeegsaday hub culus iyo mid fudud, kaasi oo daryankiisa laga maqlayay inta badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Madaafiic intii uu dagaalka socday ku dhacday xaafado u dhow Saldhigga Booliska Degmada Waaberi ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad rayid ah oo guryahooda iska hurday, inkastoo la sheegay in dhaawacyadooda ay ahaayeen kuwo fudud.

Magaalada Muqdisho ayaa marka habeenkii la gaaro waxaa ka dhaca weerarro ay kooxo hubeysan ku qaadaan Fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom, waxaana xusid mudan in dagaallada habeenkii dhaca ay si weyn u cabsi geliyaan dadka Muqdisho oo haddii dagaallada waxyeello ka soo gaarto aan guryaha ka soo bixi karin, isla markaana aan gaari karin goobaha Caafimaadka.

Ugu dambeyntiina, muddo sanad ah ayay sii caga-cageyneysaa nabadgelyo-darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo wixii waqtgaas ka horeeyayna ay Dadka Muqdisho heysteen Nabadgelyo lix bilood jirsatay oo ay dhaliyeen Maxkamadihii Islaamka ee laga itaalka roonaaday dhamaadka sanadkii hore.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia