Talaado, January 22, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya oo xalay deganeyd ayaa waxaa maanta ka dhacay iska hor-imaad ay ku dhinteen labo ruux oo isugu jiray Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Nin Rayid ah.
Iska hor-imaadka ay labada ruux ku dhinteen ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Geed Jaceyl ee Degmada Wardhiigley, gaar ahaan nawaaxiga Xerta Shiikh Aadan Dheere, wuxuuna iska hor-imaadkaas dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Goob-jooge ku sugan Xaafadda Xerta Shiikh Aadan Dheere ee Degmada Wardhiigley oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa HOL u sheegay in dhimashada soo gaartay labadaas ruux ay timid kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo doonayay in ay howlgallo ka sameeyaan xaafaddooda ay ka hor-yimaadeen Kooxo hubeysan, kadibna ay is-weydaarsadeen rasaas sababtay in ay labadaas ruux dhintaan.
Dhanka kalena, Ciidamo isugu jira Mileteri iyo Boolis ah ayaa saaka Barqadii waxay la wareegeen gacan ku heynta Isgoyska Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay ka jireen falal nabadgelyo darro ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in gacan ku heynta Isgoyskaasna ay dhowr jeer ku dagaalameen Ciidamo Boolis iyo Mileteri ah oo ku kala sugan Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag.
Ciidamada la wareegay Isgoyska Howl-Wadaag oo haatan ah halka kaliya ee laga galo Suuqa Bakaaraha oo ku hubeysnaa Afar Gaari oo kuwa Dagaalka ah ayaa waxay joojiyeen lacagtii sharci darrada ahayd ee laga qaadi jiray gaadiidka Wadadaas Isticmaala, iyadoo tallaabadaasina ay soo dhaweeyeen Wadayaasha Gaadiidka BL-ka oo iyagu dhibaato ku qabay lacag tiro badan oo ay ka qaadi jireen Ciidamo horay u joogay Isgoyskaas.
La wareegitaanka Ciidamadan ee Isgoyska Howl-Wadaag ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ganacsatada Suuqa Bakaaraha ay ka codsanayaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay Waddooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha ay ka qaado Ciidamada Dowladda Federaalka ka amar qaata ee halkaas ku sugan, iyagoo caddeeyay in sidii Ciidamada halkaas loo geeyay uu sii yaraanayo ganacsigooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia