Talaado, January 22, 2008(HOL): Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ka codsadeen Xukuumadda cusub ee uu madaxda ka yahay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in ay ka qaado Ciidamada degan Waddooyinka Suuqa laga soo galo.
Ganacsatada ayaa waxay sheegeen in sidii ay Ciidamada u soo degeen Waddooyinka Suuqa laga galo uu yaraaday ganacsigooda, bacdamaa ay dadka ka baqayaan in ay waxyeello ka soo gaarto iska hor-imaadyada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda oo iyagu gudaha Suuqa ku dagaalama.
“Inta ay Ciidmada joogaan Waddooyinka Suuqa laga soo galo wuu sii cakirnaanayaa ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, sidaas darteed waxaan ka codsaneynaa Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde inay Ciidamadaas naga qaaddo, si ay dadka u ganacsadaan”sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo diiday in la shaaciyo magaciisa.
Horayna Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in uu soo farageliyo xaaladda Suuqa Bakaaraha, isla markaana sida uu u yiri uu dhiig-joojin sameeyo.
Si wax looga qabto Ammaanka Suuqa Bakaaraha waxaa maalmihii aynu ka soo gudubnay shirar ka lahaa Ganacsatada Gobolka Banaadir, Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Saraakiil Itoobiyaan ah, inkastoo aaney kulamadaas wax natiijo ah ka soo bixin, marka laga reebo in dib loo ballamay Axadda soo socota.
Ugu dambeyntiina, Suuqa Bakaaraha ayaa tan iyo markii uu noqday meel ay ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxaa sii yaraanayay ganacsigiisa, waxaana jirtay in ay ganacsato badan ay ganacsigooda u wareejiyeen Suuqyada Xamarweyne, Siinaay iyo Suuq Bacaad.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia