Sabti, January 19, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomalaiya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) in uu si deg deg ah u soo dhameystiro Xubnaha Xukuumaddiisa ee aan weli la magacaabin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya-
Shiikh Aadan Madoobe
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu dhaariyay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kala ah Wasiirrada Maaliyadda, Howlaha Guud iyo Warfaafinta, isagoo sheegay in soo magacaabidda seddexaas wasiir ay muhiim u yihiin waxqabadka Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo ah mid tiro-yar.
Shiikh Aadan Madoobe wuxuu sheegay in Xukuumadda cusub ee Soomaaliya looga baahan yahay in ay qabato howlo badan oo ay qaban weysay Xukuumaddii ka horeysay, taasi oo uu ka xusay in ay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ka dhigto mid nabadgelyo ah.
Wasaaradaha harsan oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Bii'ada ayuu dhawaan sheegay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in ay qaab qeybsi ahaan u heleen beelaha Dir/Isaaq, Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad, uuna iyaga ka soo magacaabi doono.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu horay u soo magacaabay Xukuumad ka koobneyd 73 Wasiir, taasi oo ay Beesha Caalamka si weyn u dhaliishay tiro badnideeda iyo tayo la’aanteeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Xukuumaddaas xubnaheeda u badnaayeen Xukuumaddii hore ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia