Miino loo dhigay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhimasho iyo dhaawac sababtay

Sabti, January 19, 2008(HOL):   Qof Rayid ah ayaa geeriyooday labo askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalkana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Miino loo dhigay lagu qarxiyay  Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo marayay Deegaanka Taleex ee Degmada Hodan.

Goob-jooge ku sugan Deegaanka Taleex oo joogay meel u dhow halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in markii uu qaraxa dhacay kadib uu arkay labo askari oo yaala dhulka iyo gaarigii ay ciidamada wateen oo qeybta dambe ka burbursan, iyadoo rasaas ay fureen Ciidamada Dowladana ay sababtay in ay geeriyooto haweeney ku ganacsaneysay meel aan u dheereyn halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ayaa qaraxaas kadib waxay tageen halka uu qaraxa ka dhacay, waxayna halkaas ka sameeyeen howlgal ay ku baarayeen ciddii qaraxaas ka dambeysay, iyagoo dad aan badneyn halkaas ka kaxeystay.

Dhanka kalena Ciidamada Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose ee fadhigoodu yahay Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa saaka waxay ku guuleysteen in ay miinooyin ka saaraan Wadada u dhaxeysa Carbiska iyo Degmada Afgooye, iyadoo Jimcaale Ciise Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha Ciidamadii howlgalkaas sameeyayna  uu sheegay in ay Dadka deegaanka ku soo wargeliyeen in Miino lagu saakay inta u dhaxeysa Deegaanka Carbiska iyo Degmada Afgooye.

“Dadka Miinada halkaas ku aasay waxay ahaayeen kuwo doonayay in ay sii barakiciyaan Dadka Muqdisho ka soo barakacay ee ku sugan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, laakin nasiib wanaag intii aysan Miinooyinkaas qarxin ayaan ku guuleysannay in aan halkaas ka saarno”ayuu yiri Jimcaale Ciise Ibraahim.

Dhowr jeer oo hore ayaa Miinooyin lagu qarxiyay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay ku nool dad badan oo ka cararay dhibaatooyinka Muqdisho, iyadoo qaraxyadaasina ay si weyn walaac uga muujiyeen dadka deegaanadaas u qaxay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia