Axad, February 03, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo u waramayay Laanta Afka Soomaalig ee BBC-da ayaa sheegay in dalalka Midowga Afrika ay ballanqaadeen in la kordhinayo Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya-Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Ra’iisal Wasaaraha wuxuu sheegay in madaxdii ka qeybgashay shirkii Midowga Afrika ay isla guddoonsadeen in la xasiliyo Nabadgelyada Dalka Soomaaliya, sidoo kalena la taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in madaxdii ka qeybgashay shirkii Midowga Afrika ay aragti mid ah ka lahaayeen arrimaha dalka Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay dalalka ku yaboohay in ay Ciidamo u dirayaan Somaaliya waxaa uu sheegay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde inay Dowladda Nigeria ballanqaaday in ay si dhaqsi ah ciidamo ugu direyso Soomaaliya, halka uu sheegay in Dowladda Uganda-na ay sheegtay in ay kordhineyso Ciidamada ka jooga Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa kale oo uu sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon oo ay wada kulmeen uu ka codsaday in Ciidamo ka socda UN-ka la geeyo Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in uu rajeynayo in Ciidamadaas Soomaaliya la geyn doono.
Mar wax laga weydiiyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde qorshaha u degsan ee ay Xukuumaddisa ku wajaheyso Xaaladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in qodobka ugu weyn ee ay Xukuumaddiisa xoogga sareyso uu yahay dib u heshiisiinta iyo in ay Dowladda la hadasho dadka ka soo horjeeda, wuxuuna farta ku fiiqay in dadka Dowladda Federaalka ka horjeeda ay mucaaradnimadooda ku saleysnaan karto dhaliil ay ka qabaan qaabka ay dowladda u shaqeyneyso ama in ay saluugsan yihiin awood qeybsiga Dowladda.
“Yacni Wadanka waa la wada leeyahay marka waa lagama maarmaan ah in maskaxda lagu haayo in dadka mucaaradka ah ay wadanka xuquuq ku leeyihiin, ayna tahay in la wada hadlo oo la is-qanciyo”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Si kastaba arrintu ha ahaatee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa loo dheg taagayaa waxa ay ka qaban doonto xaaladda Dalka Soomaaliya, iyadoo si weyn loo soo dhaweeyay tallaabooyinkii ugu horeeyay ee ay qaaday oo ahaa in ay Xabsiyada ka sii deysay Odayaal ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia