Axad, February 03, 2008(HOL): Deegaanka Qurac Bun-jebshe ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay toogteen rag bastoolado ku hubeysnaa.
Goob-jooge ku sugan deegaanka dilka ka dhacay ayaa sheegay in Askarigaas markii la tooganayay uu kaligiis u dhaqaaqay meesha lagu dilay, isagoo ka fogaaday dhowr tallaabo Askar ay meel wada joogeen.
Goob-joogahani wuxuu intaas ku daray in ay baxsadeen oo aan lagu guuleysan in la qabto kooxihii ka dambeeyay dilka Askariga, isagoo caddeeyay in ay meydka askariga qaateen Ciidamadii la joogay.
Dhanka kalena, Suuqa Degmada Wadajir ayaa saaka wuxuu ahaa mid aaney ka socon wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah, waxaana taasi ugu wacan iyadoo gudaha Suuqa lagu arkay Miino, halka sidoo kalena xalay dhaawac loo geystay Nin ilaalo ka ahaa Suuqaas.
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay tageen Suuqa, isla markaana ay dadka u sheegeen in aysan u dhawaanin halka ay Miinada taalo. Suuqa Degmada Wadajir ayaa wuxuu noqday Suuq si weyn u camiran kadib markii ay mehrado ganacsi ka sameysteen ganacsato badan oo nabadgelyo darro aawgeed uga carartay Suuqa Bakaaraha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia