Jimco, February 29, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay u istaagaan badbaadinta inta ka harsan Hantida Qaranka Soomaaliyeed taasi oo uu sheegay Shiikh Shariif in ay soo if-baxeyso in la doonayo in la lunsado.
Guddoomiyaha waxa uu si gaar ah uga codsaday xubnaha Isbahaysiga in ay xil weyn iska saaraan badbaadinta inta harsan Hantida Qaran ee ku kala firirsan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba oo ay ka mid yihiin guryihii Safaaraha ay Soomaaliya ku lahayd dibadda, waxaa uuna ammaan iyo bogaadin u soo jeediyay masuuliyiintii isu xilsaartay inay ka badbaadiyaan qaar ka mid ah guryihii Safaaradaha Soomaaliyeed ku lahaayeen dalalka Yurub.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa hadalkan ka jeediyay Shir ay xubnaha Isbaheysiga ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, kaasi oo Guddoomiyaha iyo xubno la socday looga dhegeysanayay waxyaabihii ay kula soo kulmeen socdaal ay ku tageen Dalalka Qadar iyo Masar, kaasi oo ay kula soo kulmeen madax ka socotay Dowladda Masar, Jaamacadda Carabta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaas.
Sidoo kale waxaa shirka lagu dhegeystay warbixin dheer oo ay soo jeediyeen Marwo Fowsiyo Maxamed Shiikh oo ah Xoghayaha Xafiiska Xuquuqal Insaanka iyo Prof.C/raxmaan Ibbi oo ku saabsanyd shir ay kaga qeybgaleen Gobolka Minneapolis ee dalka Mareykanka, iyagoo sheegay in intii ay joogeen dalka Mareykanka ay la kulmeen shakhsiyaad muhiim ah iyo hay’ado ka shaqeeya dabagalna ku sameeya tacadiyada loo geyta Adanaha.
Gabagabadiina Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxa uu ku ammaanay masuuliyiintaas waxqabadkooda waxaana uu ku booriyay in ay dadaalkooda sii kordhiyaan, meeshiisana ay ka sii wadaan.
Dhanka kalena, qoraal ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo soo gaaray qeybta Warqabadka HOL ayaa lagu sheegay in dilalkii dhawaan Muqdisho loogu geystay Jen. Cabdi Kaahiye Faarax Harag-Shabeel iyo Abuukar C/salaan Xaaji Aadan ay ka dambeeyeen Ciidamada Itoobiya oo sidoo kale dilal qorsheysan u geystay Saraakiil, Odayaal dhaqan, Ganacsato iyo Aqoonyahan, waa sida warsaxaafadeedka ku xusane.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia