Jimco, February 29, 2008(HOL): Waxaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), kuwaasi oo booqasho gaaban ku tegay Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo dorraad subax ka amba baxay magaalada Muqdisho ayaa waxay magaalada Baydhabo u tageen sidii ay kulamo ula yeelan lahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah, kuwaasi oo aan la faah faahin waxyaabihii ay ka wada hadleen marka laga reebo warar laga helay dad kulamadaas ku dhawaa oo sheegay in ay dhinacyadaas ka wada hadleen arrimo ku saabsan Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta Soomaaliya.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal wasaare Nuur Cadde ayaa sidoo kale intii ay ku sugnaayeen Magaalada Baydhabo waxay si guud ula kulmeen mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ugu tageen Xaruntooda KMG ah ee ADC-da, kuwaasi oo ay ka shaafiyeen warar ay beryahan maqlayeen oo ahaa in uu khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.
“Waxay ila tahay in aad beryahan maqleyseen madaxa ayaa la iskula jiraa iyo wax baa qariban, hadde waxaan idiin sheegayaa in hadalkaas uu la mid yahay hadalkii la sheegi jiray markii aan xanuunsanayay ee aan maqnaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo Xildhibaannada Baarlamaanka la hadlayay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wareysiyo ay bixiyeen waxaa ka muuqday sida ay ugu kala aragti duwan yihiin sida dib u heshiisiin loola gelayo Mucaaradka ka soo horjeeda Dowlada Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in aaney wada hadal la geleynin Dowladda Federaalka Dadka loo yaqaano Argagixisada Caalamiga ah iyo kuwa Dagaalka wax ku doonaya, halka Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde-na uu sheegay in ay Xukuumaddiisa wada hadal la geleyso cid kasta oo mucaarad ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia