Zam Zam Cabdulle iyo warbixinteed ahayd xadgudubka Xuquuqul Aadmiga ee Soomaaliya

Cabirka Farta


ZamZam Abdulle oo ah haweeneey u dooda xuquuqda aadanaha ee dumarka Soomaaliyeed

Arboco, December 3, 2008
Hiiraan Online

Waxa magaalada ottawa ee caasimada dalka Canada ka dhacay kulan ay soo abaabushey hey'ada u dooda xuquuqda aadanaha e Amnesty International. Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen qaybo ka mid ah bulshada ku nool magaalada Ottawa ayaa waxaa ugu horeyntii halkaas ku soo dhaweey Keith Rimstad oo u ololeeya daaficaada Xuquuqda aadanaha ee Americas iyo Bariga Dhexe ee Amnesty International Canada.  Haweeneyda Lynn Fredirksson oo ah baare (Researcher) ka tirsan Amnesty International  ee Geeska Africa ayaa warbixin soo dhaweyn ah ka bixisay Zam Zam Cabdulle oo ay ku tilmaanta in ay tahay haweeney geesi ah oo wax weyn ka qabatay difaaca Xuquuqda aadanaha ee dalka Soomaaliya.

  Halkaan Ka dhageyo Wareysi ay Hiiraan Online la yeelatay Zam Zam Cabdulle, waxaa wareystay Cabdulqaadir Guuleed. 
  Halkaan Ka dhageyo Wareysi ay Hiiraan Online la yeelatay Lynn Fredirkson, waxaa warestay Cabdulqaadir Guuleed

Kulanka oo looga hadlay arimo faro badan oo khuseeyay xuquuqda aadanaha qaasatan gabood falada ka dhaca gudaha dalka Somalia ayaa waxa hab muuqaal ah oo aaney qurba joogta Soomaliadu aaney u baran ku soo bandhigtay Zam Zam Cabdulle oo ah gabar somaliyeed oo u dooda xuquuqda haweenka Soomaaliyeed  kana hawgeli jirtey xafiiska Somalia Coalition of Grassroots Women's Organizations (COGWO).

 Zam Zam waxa ay kaashaneysay sawiro kaga tegay dareen naxdin oo shaleyto badan ku reebay goob joogayashii halkaa isugu yimi, taasoo ka dhalatey ka dib markii ay indhahooda ku arkeen dhibaatada shacabka Soomaliyeed uga timaada garabyada ku hardemaya siyaasada dalka Soomaaliya. Sawirada oo uu qaadey sawir qaade somaliyeed oo magaciisa la yiraahdo ayaa Abuukar Albadir oo ah suxufi sawirqaade ah una dooda xuquuqda aadamiga. Sawiradaas ayaa  iskood uga turjumaya aafooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

Zam zam waxa warbixinteedu ay salka ku heysay u soo joogida falal danbiyo iyo tacadiyo isugu jiray oo ka dhacayay sanadihii u danbeeyay dalka somalia. zam zam ayaa waxa ay si gaar ah diirada ugu saartey warbixinteeda dhibkii ka dhashey is herdigii islaamiyiinta iyo dawlada federaalka somalia oo kaashanaya ciidamada wadanka itoobia ee ku sugan dalka somalia.

Waxa ay halkaa zam zam ku soo bandhigtey xog la xiriirta dhacdooyin qurba joogu ay ku kala qeybsanayeen, taasoo salka ku heysa fikiradhooda siyaasadeed ee caadifadaha qabyaaladeed ku saleysan iyo xogaha ay ka helaan hadba cida ay tageerada markaa u hayaan. 

Islaamiyiinta, dawlada federaalka iyo ciidamada itoobia ayaa waxa ay dhibaatooyinka ay ku hayaan mujtamica waxa ay ku micneysay in ay yihiin qaar garabyadu ay ku sheeganayaan in wax loogu tarayo shacabka. Zam Zam waxa ay ku dheraatey sida shaqaalaha samafalka ay dhinacyada is haya midna aanu arxan ugu heyn sababta o ah waxa ay ka hadlaan dhibka ku dhaca shacabka ay sheegtaan garabyadu in ay arxan u yihiin. Islaamiyiinta ayaa u arka Zam Zam iyo samafaleyaasha kale in ay u shaqeyaan dalal shisheeye ah dano guracan ka leh Soomaalia, halka ay dawlada ku meel gaarku u argto samefaleyaasha in ay buun buuniyaan tacadiyada ka dhasha jawaabaha ay ka bixiyaan weerarada lagu soo qaado shacabka Soomaaliyeed. 

Taswiirta dhalaanka muuqaalkooda aan la arag ee ku leday go'aamada guracan ay gaaraan horboodeyaasha siyaasadaha faashilka ah ee qurba jooguna is garab taago, hooyada somaaliyeed ee laga kireeyo hooska geedka ay ku umuleyso, ganacsadaha ku nafwaayey suuqii uu wax ku iibsanayey, caruur Soomaaliyeed oo dhoolad tus dagaal (War Games) sameyna halkii ay dugsi waxbarasho ka tagi lahaayeen  ayaa waxa ay ahaayeen qaar ka mid ah sawirada dhabta ah ee ay soo bandhigtay Zam Zam. 


Carruur Soomaaliyeed oo ku tababaranaya dagaal (War Games), halkii ay dugsi ka aadi lahaayeen. Waa sawir ka mid ah sawiradii ay Zam Zam soo bandhigtay

Zam zam ayaa waxa warbixinta dabadeed la weydiiyay suaalo dhawr ahaa oo la xiriira hawlihii ay faraha kula jirtey intii ay somalia joogtey iyo ka diba, sidoo kale waxa la weydiiyay sababta ay warbixinteeda ugu xustey in ay maxkamada yihiin cida loogu qaatey garabyada ku hardamaya somalia? tasoo ay uga jawaabtey in Islaamiyiintu aaney iyada u rooneyn oo aaney sidey dooneyso u hawl gwli karin, balse hadii la saxo qaladaadkooda ay ummaddu dib ugu soo noqon laheyd halkii laga bara kiciyay. Balse waxa suaalaha ka badnaa talooyinka iyo mahadnaqa halkaa laga soo jeediyay ee ku wejahnaa zam zam, waxa sidoo kale ka muuqdey goob joogayashii halkaa joogay in ay yara garwaaqsadeen doorka ay ku lahaayeen dhacdooyinkii somalia ee sanadihii lagu tartamayay bur burka dalkooda, iyo sida ay iminka isku daba qaban karaan iyaga oo kaashanaya nasiibka ay u heleen in ay ku nooladaan dalal afkaarta kala gedisani aaney lidi ku aheyn wada noolaashaha.