Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Cadde Muuse oo gaaray Jibouti

Cabirka Farta


Khamiis, December 04, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Puntland ee kala ah C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde) ay gaareen Dalka Jibouti.

Labada Madaxweyne oo diyaarad khaas ah ay ka qaaday magaalada Garowe ee Xarunta u ah maamulka Puntland ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Jibouti, iyadoo halkaasina ay uga hortageen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Jibouti.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ay Madaxweyne Yuusuf iyo Madaxweyne Cadde loo galbiyay Madaxtooyada Jibouti, halkaasi oo ay wada hadallo kula leeyihiin Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka tirsan Dowladdiisa.

Lama  oga ujeedada socdaalka labada Madaxweyne ee Jibouti, hayeeshee wuxuu socdaalkooda ku soo beegmay iyadoo ay dhawaan jeediyeen hadallo ka dhan ah heshiis ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jibouti.

Dowladda Jibouti oo tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya shirar badan oo dib u heshiisiineed dalkeeda ugu qabatay dhinacyada isku haya Soomaaliya ayaa haatan waxay dalkeeda dhigtay gogol lagu heshiisiinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in wada hadallo u soo bilowday 9-kii June 2008 ay haatan marayaan in ay labada dhinac ku heshiiyeen in ay wada dhistaan Dowlad-Midnimo-Qaran oo leh Baarlamaan xubnahiisa ka kooban yihiin 550 Mudane.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia