Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in khilaafka u dhaxeeya Xoogagga Islaamiyiinta ah Xal loo heli karo

Cabirka Farta

Jimco, December 12, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in khilaafka u dhaxeeya xoogagga Islaamiyiinta ah lagu xalin karo Kitaabka Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulka.

“Waxaa laga yaabaa in aragti la isku khilaafsan yahay, sidaas darteed haddii aan aragtidaas laga wada hadlin waxba laguma gaarayo dagaal iyo khilaaf, marka annaga waxaan u nimid in aan dadka la hadalno oo aan dadka wax naga tabanaya qancinno, iyana ay na qanciyaan”ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in ay cid kasta la hadlayaan.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa  uu sheegay in khilaafyada u dhaxeeya Xoogagga Islaamiyiint ah xal loo heli karo haddii loo cuskado Kitaabka Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulka, “Kitaabka Qur’aanka ah iyo Sunnada Rasuulka haddii aan dhexda dhiganno aan xal waan ku gaari karnaa, waxaan u yeeran karnaa culumaa’udiinkeenna, xitaa kuwo kale ayaan Dalalka Islaamka ka keensan karnaa, si ay noo dhexdhexaadiyaan”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo caddeeyay in ay diyaar u yihiin ay ka haraan haddii waxyabaaha ay wadaan ay noqdaan wax ka soo horjeeda Diinta Islaamka.

“Haddii wixii loo dagaallamayay ay ahaayeen in ay ciidamada Itoobiyaanka baxaan, annaga ma aragno sabab hadda loo diido marka ay isku diyaariyeen in ay baxaan”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo intaas ku sii daray in qofkii colaad wada uu naftiisa metelo, qofkii nabad wadana uu Umadda Soomaaliyeed danteeda ka shaqeynayo.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo uu uga hadlayay arrimo dhowr ah oo kala ahaa ujeedada socdaalkiisa Muqdisho, Heshiiskii Jibouti iyo  sida uu u arkayo hadal uu ku mucaaraday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Bixitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Arrinta Burcad Badeedka iyo dhaqamada soo galootiga ku ah dadka Soomaaliyeed ee ay ka midka yihiin dilalka gaadmada ah  iyo Af-duubka .

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia