Idaacadda Horn Afrik oo u dabaal-degtay sanad-guuradii 9aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay

Cabirka Farta

Jimco, December 12, 2008(HOL): Munaasabad lagu maamuusayay sanadguuradii 9aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik  ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo dadkii ka qeybgalay munaasabaddaasna ay sheegeen in Idaacadda Horn Afrik ay wax weyn ku soo kordhisay Soomaaliya tan iyo markii ay hawada soo gashay oo ku beegneyd 12-kii December 1999.

Ka hor intii aan la aas-aasin Idaacadda Horn Afrik magaalada Muqdisho waxaa ka jiray Idaacado ay lahaayeen Hoggaamiye kooxeedyo, kuwaasi oo baahin jiray afkaaraha hoggaamiyayaashaas, waxayna Horn Afrik oo ay aas-aaseen seddex aqoonyahan oo kala ah Alle ha u naxariistee Cali Iimaan Sharma-arke, Axmed C/salaan Xaaji Aadan iyo Maxamed Maxamuud Cilmi Dul-cad ay furtay qaab warbaahineed cusub oo madax-bannaan, kaasi oo ay dadka si xor ah uga dhiiban karaan afkaarahooda.

Waxay noqotay Idaacaddii ugu horeysay oo ay dadka si toos ah u soo wici karaan iyagoo guryahooda ama goobahooda ganacsiga jooga, isla markaana ay ka dhiiban karaan afkaarahooda ku aadan siyaasadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Idaacadda Horn Afrik oo laga dhegeysto si sattelite ah Qaaradaha Yurub, Australia, Africa iyo Asia, sidoo kalena laga booqdo website-ka http://www.hornafrik.com  ayaa waxaa si weyn loogu xusuustaa kaalimihii gurmad ee ay ku lahayd dadkii ay abaaraha waxyeeleen ee ku noolaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Koofurta Soomaaliya, kuwaasi oo ay lacag aad u badan uga yaboohisay Dad Soomaaliyeed oo ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.

Idaacadda Horn Afrik waxaa ku lamaansan TV iyo Idaacad kale oo FM ah oo lagu magacaabo Capital Voice, taasi oo iyadana lagala socdo Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da iyo warar dhinacyo kala duwan leh, iyadoo ay xusid mudan tahay in Idaacadda Horn Afrik iyadana laga dhegeysto Laamaha Ingiriiska, Carabiga iyo Soomaaliga ee BBC-da.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Idaacadda Horn Afrik oo 9 sano jirsatay ayaa tan iyo markii dhidibada loo aasay waxaa gadaasheeda sameysmay Idaacado kale oo FM ah, kuwaasi oo tiradooda ay kor u dhaafeyso 10 Idaacadood isla markaana laga dhegeysto magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia