Jimco, August 08, 2008(HOL): Xoogagga Al-Shabaab ayaa saaka waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, iyadoo maamulkii dowladda ee Degmadaas ku sugnaana uu halkaas isaga baxay.
Maamulkii Gobolka Bakool oo ay horeeyaan Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Cabdi Tool iyo Guddoomiyihii Degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed oo isaga soo tegay Degmada Xudur ayaa haatan waxay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay.
Maamulka Gobolka Bakool ayaa wuxuu xarunta gobolka isaga tegay kadib markii sida la sheegay lagu soo wargeliyay in ay Xoogagga Al-shabaab oo dhankooda u soo socda ay ku sugan yihiin inta u dhaxeysa Deegaanka Kulan Jareer iyo Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Dadka ku dhaqan degmada Xudur ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay ka wel welsanaayeen sida ay xaaladdooda noqon doonto, waxayna markaas ka baqayeen in ay dushooda ku dagaallamaan Ciidamada Maamulka Gobolka iyo Xoogagga Al-Shabaab balse taasi ma aysan dhicin, waxaana meesha isaga baxay Maamulkii Gobolka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Xoogagga Al-Shabaab la wareegaan gacan ku heynta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, waxayna ahayd mar sii horeysay markii ay Xoogagga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Degmadaas, kadibna ay halkaas ku dileen qaar ka mid ah Ciidamada Maamulka, sidoo kalena ay dhaawaceen dad kale oo uu ku jiray Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia