Jimco, August 08, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya iyo duleedyadeeda ayaa xalay iyo shalay gelinkii dambe waxaa ka dhacay dilal loo geystay dad rayid u badan, kuwaasi oo ay toogteen kooxo hubeysan.
Deegaanka Carbiska ee Degmada Af-gooye ayaa shalay gelinkii dambe waxaa ka dhacay dil loo geystay haweeney ka mid ahayd ganacsatada Qudaarta, taasi oo Kooxihii toogtay ay kala degeen gaari ay ka soo raacday Degmada Afgooye.
Xalayna Kooxo hubeysan ayaa waxay nin rayid ah ku dileen Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana la sheegay in uu ninkaas ka tirsanaa Hor-joogayaasha Kaamamka dadka soo barakacay ee ku yaala Deegaanka Ceelasha Biyaha.
Nin kale oo rayid ah ayaa isna xalay waxay kooxo hubeysan ku dileen inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, gaar ahaan nawaaxiga Xarunta Hay’adda UNDP, waxaana la sheegay in ninkaas la dilay xalay habeen barkii.
Ugu dambeyntiina, Nin la sheegay in uu ka tirsanaa Ilaalada Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa isna waxaa xalay lagu toogtay gudaha Degmada Kaaraan, iyadoo la sheegay in ay dilka Askarigaas ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo si gaadmo ah u toogtay.
Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanayay dilal loo geysanayo Dad rayid ah, kuwaasi oo ammaanka Caasimadda Soomaaliya ka dhigay mid aan hagaagsaneyn kadibna ay inta badan dadkii ku noolaa isaga barakaceen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia