Maamulka KMG ah ee G/Banaadir oo codsaday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Wariyayaal Ajnabi iyo Soomaali isugu jira oo dhawaan la af-duubtay

Cabirka Farta

Isniin, August 25, 2008(HOL): Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ka codsaday kooxaha af-duubka ku heysta Wariyayaal Ajabi iyo Soomaali isugu jira oo dorraad laga af-duubtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Guddoomiyaha KMG ah ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur waxaa uu sheegay in Wariyayaasha la af-duubtay ay yihiin dad bani’aadam ah oo xurmo leh, kuwaasi oo uu xusay in iyagoo Ajnabi ah ay go’aansadeen in ay ka waramaan xaaladda dadka dhibaateysan ee Soomaaliya ku sugan.

Mar wax laga weydiiyay in ay dadaal u galeen sidii wariyayaashaas loo sii deyn lahaa waxaa uu sheegay in ay la xiriiray Odayaal sida uu yiri sama-doonno ah  oo ka shaqeyn doona sidii Wariyayaashaas loo sii deyn lahaa, wuxuu rajo ka muujiyay in ay wariyayayaashaas xoriyaddooda dib u helaan.

Kooxo hubeysan ayaa waxay 23-kii bishan ka qafaasheen inta u dhaxeysa Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Degmada Afgooye Nigel Brennan oo Australia u dhashay, Amanda Landhout oo Canada u dhalatay iyo C/fataax Maxamed Cilmi oo Soomaaliya u dhashay, waxayna seddexdaas Wariye  maalintii seddexaad ku jiraan gacanta kooxihii Af-duubtay.

Guddoomiyaha KMG ah ee maamulka Gobolka Banaadir  Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) ayaa wuxuu hadalka ka sheegay gudaha Kawaankii Gowraca Xoolaha, kaasi oo uu maanta  kormeer ku tegay. Dhagaxtuur ayaa intii uu ku sugnaa gudaha Kawaanka wuxuu warfidiyeennada u sheegay in dayactir lagu sameyn doono Kawaanka oo uu xusay in aysan hagaagsaneyn nadaafaddiisa.

“Sida aad aragtaan ma wanaagsana nadaafadda Kawaanka Gowraca Xoolaha, waxaadna ogtihiin in Hilibka laga cuno magaalada Muqdisho isaga lagu qalo, sidaas darteed waxaan go’aansannay in aan dayactir ku sameyno Kawaanka annaga oo la kaashaneyna deeq-bixiyayaal caalami ah”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur, Guddoomiyaha KMG ah ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia