Isniin, August 25, 2008(HOL): Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir oo inta badan dadkii deganaa ay horay uga barakaceen ayaa waxaa qaarkood laga soo sheegayaa Eeyo dadka weerarra, kuwaasi oo dad dhaawacyo u geystay.
Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxay Eeyo ku qaniineen shan ruux, kuwaasi oo degan inta u dhaxeysa Xaafadda African Village iyo Suuqa Qudaarta ee Bakaaraha.
Dr. Cali Xasan oo ka howlgala rugta caafimaadka Bakaara oo lagu daweeyo dadka ay bahalaha qaniinaan ayaa wuxuu sheegay in dadka loo keenay oo isugu jiray rag iyo dumar ay qaarkood Eeyaha hilib ka goosteen qeybo ka mid ah jirkooda, halka kuwo kalena uu xusay in ay kaliya qaniinyo ku taalay.
Wuxuu sheegay Dhaqtarka in ay dadkaas daweyn u sameeyeen, isla markaana ay siiyeen dawooyinka looga hortago cudurka raabiyada iyo weliba kuwa wel welka dadka ka bi’iya.
Mar wax laga weydiiyay Dr. Cali Xasan sababta keeni karta in ay Eeyaha dadka cunaan ayaa wuxuu sheegay in ay Eeyaha waayeen wax ay cunaan kadib markii ay barakaceen dadkii ku noolaa xaafadaha ay ku sugan yihiin, “meesha ay dadka ku cuneen markii la tegay waxaa lagu arkay neef ari ah oo ay horay ugu cuneen, taasi ayaana lagu garan karaa in ay baahdeen Eeyuhu”ayuu yiri Dr. Cali Xasan.
Laakin dad kale oo ku dhaqan xaafadaha laga soo sheegayo Eeyaha Dad-cunka ah ayaa waxay sheegayaan in ay Eeyuhu barteen cunista hilibka dadka kadib markii ay cuneen Hilibka Dad ku dhintay Dagaallo ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan, kuwaasi oo lagu guuleysan waayay in la aaso sabab la xiriirta iyadoo loo dhawaan waayay goobta ay dadkaas ku dhinteen.
Xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmooyinka Hodan, Howl-wadaag, Wardhiigley iyo Yaaqshiid ayaa waxay noqdeen kuwo ay dadkii deganaa ku barakaceen dagaalladii Muqdisho ka dhacay sanadkii aynu ka soo gudubnay, waxaana xaafadahaas oo ku teedsan Waddooyinka 30-ka iyo Warshadaha ku yar dhaqdhaqaaqa dadka rayidka ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia