Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo sheegay in Isboortiga uu keeni karo Nabadda iyo Is-dhexgalka Bulshada

Cabirka Farta

Duran Faarax oo Calanka Soomaaliya la maraya Xafladdii Furitaanka Ciyaaraha Olombikada Adduunka
Talaado, August 12, 2008(HOL): Mas'uul sare oo ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo haatan ku sugan Magaalada Beijin ee Dalka China ayaa wuxuu u sheegen Wakaaladda Wararka Xinhua in Isboortiga uu ka qeybqaadan karo nabadeynta iyo is-dhexgalka bulshada.

"Waxaan soo marnay dhibaatooyin badan oo muddo 18 sano ah ka taagnaa dalka Soomaaliya, waana ku faraxsannahay in aan hataan ka qeybqaadaneyno Ciyaaraha Olmbikada Adduunka oo haatan ka socda Magaalada Beijin ee Dalka China"sidaas waxaa yiri Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Durraan Maxamed Faarax.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Durraan Maxamed Faarax
Duran Maxamed Faarax waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya Ciyaaraha Olombikada Adduunka uga qeybgelayaan ciyaartoy ka socda Xiriirka Ciyaaraha Fudud oo kala ah C/naasir Saciid Ibraahin oo ordi doona 5ta Kun ee Mitir ee wiilasha iyo Saamiya Yuusuf Cumar oo ordi doonta 2-da Boqol ee Mitir ee gabdhaha, wuxuuna intaas ku daray Durran in ujeedkooda uusan ahayn inay  billado ka soo hooyaan Ciyaaraha Olombikada balse ay tahay in ay metelaan Dalka Soomaaliya.

"Farxad weyn ayay inoo tahay in uu Calanka Soomaaliya ka muuqdo fagaaraha lagu soo bandhigayay Calamada Dalalka Caalamka, iyadoo weliba la ogyahay sida ay maanta tahay xaaladda Dalka Soomaaliya"ayuu yiri Durraan Faarax oo isagu Calanka Soomaaliya u qaaday Soomaaliya markii Calamada Dalalka Caalamka la soo banadhigayay.

"Waxaan rajeynayaa in Isboortiga Soomaaliya uu noqon doono mid qeyb ka qaata nabadeynta Soomaaliya, sidoo kalena waxaan rajeynayaa in Dadka Soomaaliyeed taageero mid ah siin doonaan Labada ciyaaryahan ee Soomaaliya uga qeybgeleysa Ciyaaraha Olombikada Adduunka"ayuu mar kale yiri Durraan Maxamed Faarax.

Magaalada Beijin ee Dalka China ayaa waxaa haatan ku sugan Wafdi Isboorti oo ka socda dalka Soomaaliya, kuwaasi oo aan ka xusi karno C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow, Aadan Xaaji Yabarow Wiish, Durraan Maxamed Faarax, Prof. Maxamed Cali Caddow, Khadiijo Aadan Daahir, Maxamed Xasan Xuurshe Eenow, Jaamac Karaaciin iyo labada ciyaaryahan ee Ciyaaraha Olombikada Adduunka ka qeybqaadanaya.

Halkan ka daawo Sawirro kale oo ku saabsan Wafdiga Isboortiga
ee Soomaaliya uga qeybgelaya Ciyaaraha Olombikada Adduunka


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia