Talaado, August 12, 2008(HOL): Qarax loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa saaka wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu inta la xaqiijiyay sababay dhaawaca qof rayid ah oo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la sheegay in goobta qaraxa ka dhacay ay ka dhawaayeen Ciidamada Amisom oo halkaas socod lug ah ku marayay.
Qaraxaas kadib ayay Ciidamada Amisom fureen rasaas xooggan, taasi oo aan la soo sheegin cid wax ku noqotay, marka laga reebo in ay argagax gelisay dadka degan hareeraha wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonak Diyaaradaha Aadan Cadde.
Dhawaan ayay ahayd markii qarax midkan la mid ah uu halkaas ka dhacay, iyadoo halkaasina uu ku dhintay Askari ka tirsan Ciidamada Amisom, kaasi oo markii ay Miinada la qarxeysay ku howlanaa howl Miino baaris ah.
Wadada u dhaxeysa Isgoyska KM4 oo inta badan ay isticmaalaan gaadiidka BL-ka ah ee isaga kala goosha Degmada Madiina iyo Isgoyska KM4 iyo weliba Gaadiid ay saaran yihiin Dad doonaya in ay dalka ka dhoofaan ama ay ku soo laabtaan ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Qaraxyo Miino, inkastoo aaney ilaa iyo hataan jirin khasaare qaraxyadaas ka soo gaartay dad rayid ah.
Dhanka kalena, labo wiil oo dhalinyaro ah oo la sheegay inay walaalo ahaayeen ayaa xalay kooxo hubeysan waxay ku dileen Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, iyadoo la sheegay in labadaas wiil la dilay iyagoo fadhiyay iridka gurigooda.
Ilaa iyo hataan lama garanayo sababta labadaas wiil loo dilay iyo weliba cidda dilkooda ka dambeysay hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in dilka labada wiil ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah oo doonayay in ay ka qaataan Taleefoonno gacan-qaad ah (Mobiles) ah oo ay heysteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia