Jimco, August 01, 2008(HOL): Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in ay is-casisho, iyagoo taasina sabab uga dhigay in ay qaban weysay waxyaabihii kalsoonida lagu siiyay markii la soo dhisay.
Xildhibaannadan oo ay tiradoodu gaareyso 32 Mudane ayaa qoraal ay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka waxay ku sheegeen in Xukuumadda Federaalka ay wax ka qaban weysay ammaanka dalka, sidoo kalena ay maareyn weysay dhaqaale badan oo dalka soo gala kaasi oo ay sheegeen in si xisaabtan la’aan ah loogu takri-falo.
Xildhibaannadan oo ay ka mid yihiin Nasro C/salaan Caalin, Caasha Axmed Cabdalla, Maxamed Aadan Waayeel, Cali C/llaahi Cosoble iyo Cali Cusmaan Jidow ayaa waxay sheegeen in bacdamaa sida ay yiraahdeen ay Xukuumadda gudan weysay waajibaadkeeda ay lagama maarmaan tahay in is-casisho, iyagoo madaxweynaha ugu baaqay in uu is-casilaaddaas aqbalo.
Waa markii labaad oo ay Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ugu baaqaan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in ay is-casisho, mar sii horeysayna ayayna ahayd markii sidan oo kale ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay is-casilaad u soo jeediyeen Xukuumadda Federaalka.
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii la soo dhisay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka badin la’ yihiin in ay daba-dhigtaan Xukuumaddii la soo dhiso, taasi oo markii ay dhowr bilood joogtaba ay yiraahdaan Baarlamaanka kalsooni ha soo weydiisato ama ha is-casisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia