Jimco, August 01, 2008(HOL): Iyadoo maalmihii aynu soo dhaafnay si weyn looga deyrinayay Xaaladda Nolasha dadkii ku barkacay Dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne, ayaa waxaa deeq lacageed oo dhan ( 2000 $ doolar) la gaarsiiyay in ka badan 200 oo Qoys iyo 14 isugu jira dadkii wax yeeladu ka soo gaartay dagaalka.
Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo deeqda gaarsiiyay dadkii loogu tala galay, ayaa ka hor intii uusan deeqdan qeybin waxaa uu kormeer ku soo maray qaar ka mid ah xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay iyo Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay Dagaallada, waxaana intaas kadib laga bilaabay bixinta kaalmada lacageed Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.
Sidoo kale Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo uu wehliyo Xubin ka tirsan Bulshada rayidka Gobalka Hiiraan waxaa ay tageen xeryaha ay ku jiraan dadka sida weyn u liita, gaar ahaan kuwii ka barkacay Magaalada oo ka mahad celiyay deeqda la soo gaarsiiyay.
Dadka sida gaarka ah diirada loo saaray ayaa ahaa Cuuryaamiinta dadka waayeelka ah iyo kuwa aan awoodin in ay shaqeystaan oo ah dadka ugu daran ee la oran karo dhibaatadu saameyn mug leh ayay ku yeelatay, waxaana xusid mudan in Golaha Odayaasha dhaqanku si weyn u soo dhaweeyeen tallaabada ay qaadeen Jaaliyadda Reer Hiiraan ee dalka Swezarland.
Dhinaca kale biyaan Qoraal ah oo ay Jaaliyaddu soo gaarsiisay HOL ayaa waxaa si weyn loogu canbaareeyay madaafiic dhawaan Ciidamada Itoobiyaanku ku gareen qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne, waxaana ay ka codsadeen dhanacyada iska hor imaadku u dhaxeeya in mar danbe aan lagu dul dagaalamin gudaha magaalada si markaa looga foojignaado khasaare soo gaara dadka shacabka ah.
Sidoo kale kale waxaa siweyn loogu dhaliilay bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Xildhibaanada ku jira golaha Baarlamaanka Federaalka, gaar ahaan wax ka qabad la'aanta dhibaatada ka taagay sida loo dhigay bayaanka Gobalka Hiiraan, halka Odayaasha dhaqanka lagu bogaadiyay dadaalkood la xiriira sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada taagan.
Eng, C/siis Axmed C/dule iyo Nabadoon Axmed Shuure Yuusuf oo bayaanku ku saxiixnaa ayaa ka codsaday hay'adda samafalka iyo Jaaliyadaha dibada in ay qaadaan talaabooyin wax loogu qabanayo dadka ku barakacay gudaha gobolka oo hadda si weyn looga deyrinayo xaaladdooda nololeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia