Khamiis, April 24, 2008(HOL): Taliyaha Booliska Gobolka Bay G/lle Sare Ibraahim Macallin Kutub ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii Taliyenimo ee uu ka hayay Gobolka Bay.
G/lle Sare Ibraahim Macallin Kutub oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in sababta uu isu casilay ay la xiriirto sida uu hadalka u dhigay iyadoo uu gudan waayay waajibaadkii ay dadka gobolka Bay ka sugayeen ee ku aadanaa sugidda ammaanka gobolka.
Ibraahim Macallin Kutub waxaa uu intaas ku daray in markii uu arkay in uusan howshaas ka bixi karin uu go’aansaday in uu is-casilo, isagoo Dowladda Federaalkana ugu baaqay in ay soo magacawdo qofkii bedeli lahaa bacdamaa sida uu yiri aysan Dadka Bani’aadamka isaga mid ahayn wax qabashada.
G/lle Sare Ibraahim Macallin Kutub waxaa uu sidoo kale sheegay in uusan maanta wixii ka dambeeya ka mid ahayn Taliska Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in uu ka mid yahay dadka rayida ah ee aan Dowladda ku jirin.
Is-casilaadda Taliyihii Booliska Gobolka Bay ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uu aad u sii xumaanayo ammaanka Gobolka, gaar ahaan kan magaalada xarunta u ah ee Baydhabo, taasi oo dhawaanahan ay ka dhacayeen falal isugu jiray dilal iyo qaraxyo qaarkood lala beegsaday guryo ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Bay, iyadoo ay sidoo kalena jireen qaraxyo lala beegsaday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyntiina, Gobolka Bay ayaa waxaa dhawaan loo magacaabay hoggaan cusub kadib markii uu is-qab-qabsaday maamulkii hore, hayeeshee ilaa iyo haatan ma jiraan wax muuqda oo uu maamulkan cusub ka qabtay amni darro sii baaheysa oo ka jirta Gobolka Bay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia