Ganacsatada Kaalimaha Shidaalka Burco oo shaqo joojin sameeyay

Cabirka Farta

Khamiis, April 24, 2008(HOL): Ganacsatada kaalmaha shidaalka Magaalada Burco ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin midaysan oo ay ku hakiyeen iibinta shidaalka qaarkood.

Ganacsatada kaalmaha oo si rasmiya u joojiyey iibinta shidaalka naaftada, waxay shaqo joojintooda ku tilmaameen inay salka ku hayso korodhka sicirka shidaalka oo ay shirkada TOTAL ku dhaqaaqday maalintii isniintii la soo dhaafay.

Xamse Cadow-Yuurara oo ah afhayeenka ganacsatada kaalmaha shidaalka ee Burco oo ka hadlayey arintan kulan ay xarunta Gobolka kula yeesheen Gudoomiyaha Gobolka, ayaa waxaa uu caddeeyey inay sicirka naaftada ay shirkada Total ku kordhisay $ 62 Dollor halkii foosto, halka foosatada Batroolkana ku kordhiyeen $25 Dollor.

Afhayeenka waxaa uu warkiisa ku sheegay in foostada naaftada ah oo xilligii hore ay ka siisan jireen shirkadda TOTAL $141 Dollar ay hadda ka dhigtay $203 Dollar, halka ay foostada Batroolka ah ugu iman jirtay $142 Dollar uu hadda marayo $167 Dollar, taasi oo ka dhigaysa in 40% uu kordhay qiimaha shidaalku. “Waxay nagu kaliftay in aanu garan wayno waxaanu ku iibin wayno iyo waxa aanu ka helayno,” ayuu yidhi Xamse, isaga oo sababaynaya go’aanka ay ku joojiyeen iibinta shidaalka.

Afhayeenka Ganacsatada Shidaalka waxaa kale oo uu ka cawday in Wasaarada Maaliyadu ay mamnuucday shidaalkii jabnaa ee ka iman jirey xeebaha Soomaaliya iyo weliba waddanka Ethiopia, isla markaaana ay soo rogtay ganaax culus cidii lagu qabto shidaalka Kotorobaanka ah, waxaana uu  ku eedeeyeen Wasaarada Maaliyadda inay iyadu qayb ka tahay suququlka shidaalka oo ka jira Magaalada Burco.

Maamulaha Kastomka Burco Ibraahim Cawil Xaaji Nuur oo aanu kala xidhiidhnay cabashada ganacsatada shidaalka ee ku wajahan wasaarada Maaliyada ayaa waxaa uu sheegay  in aanay jirin mushkilad ay wasaarada Maaliyaddu ku leedahay shidaalka, balse waxaa uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo arrinta ganaaxa iyo arimaha kale ee laga cabanayo wasaarada maaliyada.

Xaaladdan shaqo joojinta shidaalayda waxaa ku soo beegan tay xilli ay ka socoto magaalada Burco hawlaha biyo dhaamiska iyo gurmadka ay hay’adaha ku gudbinayaan biyaha  taasi oo ilaa shalay aanay shaqayn gaadiidka biyaha ee ku jira hawlgalka gurmadka abaaraha.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.