Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha oo xabad joojin ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya

Cabirka Farta

Dr. Ghanim Alnajjar  u qeybsanaha Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanha
Arbaco, April 23, 2008(HOL):  Dr. Ghanim Alnajjar  oo Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa isagoo ku sugan Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland waxaa uu ka hadlay dagaallo dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Wadaado lagu dilay masjid ku yaala Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

Ergaygan ayaa wuxuu ugu baaqay  dhinacyada isku haya Soomaaliya, gaar ahaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda xabad joojin deg deg ah, si loo soo af-jaro dagaallada iyo xadgudubyada ay keenaan.

Dr. Ghanim Alnajjar Waxaa uu ku cambaareeyay adeegsiga hubka culus, gaar ahaan meelaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin, si gaar ahna wuxuu walaac uga muujiyay dilkii loo geystay Wadaado ka tirsanaa dariiqada Tabliiqa, wuxuuna soo jeediyay in si dhaqsi ah loo soo baaro dilkii Wadaadadaas loo geystay iyadoo dhexdhexaad laga yahay, isla markaana saldhig looga dhigayo baaritaankaas cadaalad, run sheegis iyo weliba in la isla xisaabtan.

Hadalka uu sii daayay Dr. Ghanim Alnajjar  ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dagaallo ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa lagu dilay Dad badan oo u badnaa Culumaa’udiin ka tirsanaa dariiqada Tabliiqa, iyadoo falkii Wadaadadaas lagu dilayna si weyn looga xumaaday.

Ugu dambeyntiina, Warbixin uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ugu qaabisan Isku-dubarididda Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dad gaaraya Labo Milyan iyo Bar Ruux oo Soomaali ah ay u baahan yahay gargaar deg deg ah sabab la xiriirta dagaallada ka soo cusboonaaday Soomaaliya iyo weliba abaaraha daran ee ka jira.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia