Dagaal Culus oo xalay ku dhaxmaray degmada Buula-burte Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya

Cabirka Farta
Arbaco, April 23, 2008(HOL):  Dagaalka oo la isugu adeegsaday hubka culus oo ay ku jiraan Qoryaha lidka Diyaaradaha iyo Baasuukayaal ayaa bilaawday kadib markii kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Federaalka weerar kaga soo qaadeen degmada dhinaca Waqooyi ilaa markii danbe dagaalku xoogiisa ka qarxo baratamaha Magaalada.
 
Sida HOL ay u sheegeen dad goob joogayaal ah kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Federaalka ayaa si gaar ah weerarkooda ugu wajahay xirooyinka ay ku jiraan Ciidamada Itoobiya kuwaa oo si isaba joooga loogu riday Qoriga Hoobiya ah, halka dhinaca Ciidamada Itoobiyaankuna ku jawaabayeen hub aad u culus oo argagax ku riday dadku ku dhaqan Degmada Buula-burte.
 
Inkastoo aan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacayada dagaalku dhexmaray ayaa wararka saakay laga helayo degmada Buula-burte waxaa ay sheegeyaan in ilaa 3 ruux oo rayid ah ay ku dhiteen dagaalka kadib markii ay guryahooda ku haleeshay rasaastii laysku ridayay sida uu HOL u sheegay Axmed Max'ed Shiino oo ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Buula-burte.
 
Ciidamada Itoobiya ee xalay weerarka lagu qaaday ayaa sakaay ka wada Degmada Buula-brute baaritaano la xiriira weerarkii xalay dhacay waxaana jira goobi si gaar ah Ciidamada Itoobiyaanku baaritaankoodu ugu wajahan yahay, Inkastoo hadana aysan jirin dhibaato Ciidamadu u geysanayaan dadka rayidka ah.
 
Weerarka xalay ka dhacay Degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan ayaa ku soo beegmay xili Maalmihii aynu soo dhaafnayba uu jiray shaki la xiriira weeraro ka iman kara kooxaha ku kacsan Dowlada Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya taa oo keentay in dadka badankiisu isaga baxo Degamada Buula-burte.
 
dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ciidamadii Itoobiya ee maalmahan ku sugnaa Deegaanka Kala-beyr ay dib ugu laabteen Degmada Feer-feer walow aan la ogeyn sababta keentay dib u laabashada Ciidamada waqti dadka intiisa badan hadal hayay in uu la socdo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
 
Laakiin dhinaca kale waxaa xusid mudan in Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Muuse Nuur Amiin uu ku dhawaaqay in wixii xiligan ka danbeeya Gobalka Hiiraan uusan ka jirin wax maamul ah islamarkaana dhawaan dhawaan Dowladu soo magacaabi doonto Maamul ku meel gaar ah inta dadka Gobalku uga diyaar gabroobayo Maamul ku yimaada Doorasho iyo rabitaanka dadka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia