Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo siyaabo kala duwan uga hadlay Dagaalladii Muqisho ka dhacay

Cabirka Farta

Talaado, April 22, 2008(HOL): Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay dagaalladii Sabtidii iyo Axaddii dhaweyd ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalladaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin oo wax laga weydiiyay waxa uu ka ogyahay dad ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ku dileen Xaafadda Waxar Cadde ee Degmada Huriwaa, gaar ahaan Masjidka Al-Hidaaya, ayaa wuxuu sheegay in haddiiba ay jirto in ay arrintaas dhacday ay qalad tahay, isla markaana ay mas’uuliyadda dhibaatadaas garbaha saarnayaan dhinacyadii dagaalamayay.

“Waxa unbaa keenay in Masjidka ay Ciidamada Itoobiya galaan, mana u maleynayo in Ciidamadu Dad rayid ah dilayaan, waxaase shaki ku jiraa in ay kooxaha wax iska caabinta waday ay Masjidka galeen, waxaanse ka xunnahay in ay Masjidka bannaankiisa ama gudihiisa ay Dad Rayid ah ku dhintaan”ayuu yiri Muuse Nuur Amiin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in la baarayo eedeymaha loo soo jeeidyay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ee ah in ay xasuuq ka geysteen Masjidka Al-Hidaaya, wuxuuse ku cel celiyay  in uu maleynayo inay masjidka gabaad ka dhigteen Kooxaha wax iska caabinta ee dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Laakin Hadal midkaas ka duwan waxaa bixiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo sheegay in aysan jirin wax xasuuq ah oo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ka geysteen Masjid iyo meelo la mid ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Masaajidda ay yihiin meelo dagaalka ka caagan.

“Wararkaas waxaa fidiya warbaahinta, mana ahan kuwo ay wax ka jiraan, haseyeeshee haddii ay dad dembilayaal ay Masjidyada galaan Ciidamada Xaq ayay u leeyihiin in ay soo qabtaan”ayuu yiri Wasiirka oo isagoo ku sugan Dalka Mareykanka u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in muddo bilooyin ah weerar lagu hayay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay awood u isticmaalayaan meelaha ay ku jiraan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, isagoo gaashaanka ku dhuftay in dagaallada socda ay wax u dhimayaan dadaalladii dib u heshiisiinta ahaa ee laga dhex waday Dowladda iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ,”gacan wada hadallada ayaan ku wadeynaa, gacanna waan isku difaaceynaa”ayuuna yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli.

Ugu dambeyntiina, dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay uu sheegay in dagaallada Muqdisho ka socda ay yihiin kuwo u dhaxeeya kooxo sida uu yiri cadaw ah oo soo weeraray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya iyo Ciidamadaas oo is-difaacaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia