Dad ku dhintay Gaari Rakaab ah oo lagu rasaaseeyay Tuulada Xaaji Cali ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Cabirka Farta

Talaado, April 22, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Gaari ay Dad rakaab ah saarnaayeen oo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo ku sugnaa Tuulada Xaaji Cali ee isla Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gaarigaas la rasaaseeyay ayaa waxaa ku geeriyooday 7 Ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo aan tiradooda la sheegin, iyadoo falka rasaaseynta ah ee loo geystay dadkaas musaafirka ahna ay si weyn uga xumaadeen dadka ku dhaqan Tuulada Xaaji Cali iyo Deegaannada u dhow.

Sida ay wararka nagu soo gaarayaan Dadkii dhaawacmay ayaa waxaa loo qaaday dhinaca Isbitaallada Magaalada Muqdisho, halka kuwii geeriyoodayna la qaban qaabinayo aaskooda.

Gaarigan la rasaaseeyay ayaa wuxuu ka yimid deegaanno ka tirsan degmada Ruun-Nirgood oo Gobolka Shabeelaha Dhexe ka tirsan, wuxuuna ku sii jeeday Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka saarnaana ay gebigood ahaayeen kuwo rayid ah oo aan hubeysneyn.

Lama garanayo ilaa iyo haatan ujeedada ay Kooxahaas hubeysan rasaasta ugu fureen gaarigaas, waxaase la sheegay in ay dhawaanahan deegaanka Xaaji Cali ka taagneyd aano qabiil oo u dhaxeysay beelo halkaas wada degan, kuwaasi oo dagaallo horay u dhexmaray isaga dilay dad aad u badan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia