Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa oo isaga soo baxay Magaalada Jowhar

Cabirka Farta

Talaado, April 15, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in ay halkaas isaga baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmahan ku sugnaa Degmadaas.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo fariisin ka sameystay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ayaa waxay u soo dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Muqdisho oo ay markoodii hore ka tageen, iyadoo aan rasmi ahaanna la sheegin sababta keentay in ay ka baxaan Magaalada Jowhar.

Dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar ayaa si weyn u soo dhaweeyay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaaladaas, waxayna Dadku ka baqayeen intii ay Ciidamada dul deganaayeen in ay weerar ku soo qaadaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, kadibna ay dushooda ku dagaalamaan.

Haatan Dadka Magaalada Jowhar waxay hadal hayaan in ay Magaaladaas markii seddexaad ay gacan ku heynteeda la wareegaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo la sheegayo in ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa waxay magaalada Jowhar isaga soo baxeen kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhaawacyo iyo Meydad u soo waday Garoonka Diyaaradaha Jowhar si dalkooda loogu dhoofiyo ay ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ay ku weerareen deegaanka Xarar Lugoole ee Gobolka Hiiraan, isla markaana ay halkaas dhimasho iyo dhaawac kale ugu geysteen.

Ugu dambeyntiina, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxay ku jaho wareersan yihiin meel ay si toos ah ugu bartilmaameedsadaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee dagaalka kala soo horjeeda, kuwaasi oo ka baxa degmo kasta oo ay Itoobiyaanka soo aadaan, kadibna dib ugu noqda marka ay Itoobiyaanka ka baxaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia